Somaliland Maaha Dal Qofna loo Xidho Fikirkiisa Siyaasiga ah

0
350

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay  ka mid tahay dalalka aan la isku xidhin, la iskuna cabudhin fikirka siyaasiga ah, xubin ka noqoshada axsaabta mucaaridka ah iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed midna.

Jamhuuriyadda Somaliland oo  19kii sannadood ee la soo dhaafay uu ka jiray nidaamka axsaabta badani,marna taariikhda laguma hayo qof loo xidhay fikirkiisa siyaasiga ah oo ah xuquuq uu dastuurku u damaanad qaaday muwadiinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Somaliland waxa hore uga soo qabsoomay lix doorasho oo u qabsoomay  si xor iyo xalaal ah oo goobjoogeyaashii caalamiga ahaa qireen hufnaantoodii, ma dhici karto xilligan oo dimuqraadiyadeennu qaan-gaadhay in si gaar ah loo bartilmaameedsado murrashax gaar ah oo si gooniya looga beegsanayo 993ka Murrashax ee u baratamaya Doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Degaanka, waxase soo baxay in laamaha ammaanka JSL ay soo gaadhay eedo culus oo ku wajahan afar murrashax oo  lagu eedeeyey inay u qabaanayaan, isla markaana xidhiidh la leeyihiin   cadowga Somaliland ee ka soo horjeeda qarannimada iyo dawladnimada dalkan, kuwaasi oo caddaynta eedahooda looga fadhiyo inay sharciga hortiisa ka bayaamiso Xukuumadda Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Md. Saleebaan Yuusuf Cali ahna Afhayeenka Xukuumadda, ayaa shalay ummadda reer Somaliland u soo bandhigay jariimada lagu eedeynayo Afar murrashax oo kala ah:-

  1. Cabdiraxman Yuusuf Cali oo  u taagan  Golaha deegaanka Hargeysa oo ka sharraxan Xisbiga UCID.
  2. Kobra Xaaji Xuseen Xaaji Maxamuud oo ka sharraxan Xisbiga Waddani una sharaxan golaha Wakiillada Togdheer.
  3. Qaasim Aadan Suleyman oo ka sharraxan Xisbiga WADDANI, una taagan   xubin  Golaha Wakiillada  ee Gobolka Sool iyo
  4. Canab Cabdi Xirsi  oo ka sharraxan Xisbiga UCID,  una taagan Golaha Wakiillada Gobolka Sool.

Afhayeenka Xukuumaddu waxa uu balanqaaday inay diyaar u yihiin sidii xisbiyada mucaaridka ah ay ugala fadhiisan lahaayeem eedaymaha afartaas xubnood iyo caddeynta loo hayo.

Waxaa daruuri ah in si wadajir ah Xukuumad iyo xisbiyaba   shaandhada la mariyo dadka isku soo taagaya  Goleyaasha Qaranka, si looga baaqsado inay innagu  soo dhex dhuuntaan ashkhaas ama kooxo  u adeegaya cadowga Somaliland oo mustaqbalka fowdo iyo khalkhal ku keeni kara hannaankeena dawladnimo.

Waxaa ammaan mudan feejignaanta iyo il-dheerida Hay’adaha Ammaanka oo ka hortagay isla markaana dhiciseeyey  in cadowga ka soo horjeeda madax-bannaanida Somaliland ay dad innaga dhex qortaan oo ay haweystaan inay fadhiisiyaan Goleyaasha kala duwan ee dalka, si ay hadhowna uga dhex hadlaan.

Ugu dambayn, waa   in Xukuumadda iyo xisbiyaduba ay iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa iskudaygaas  oo wejigiisa kowaad haddii uu u hirgalo cadowga  ay innagu noqonayso  dhaawac siyaasadeed oo aan ka soo kabasho lahayn, waana in Hay’adaha sharcigu ay ka gutaan waajibka iyo masuuliyadda ka saaran ilaalinta Qaddiyadda iyo Qarannimada Somaliland, haddii lagu waayo eedaha loo haystana waxa dambigeeda dusha ku qaadi doona ciddii soo eedaysay, waxaanay xaq u yeelanayaan in mag-dhow laga siiyo sharaf dilka ku dhacay

Qore Cumar Maxamed Faarax

Leave a Reply