Taliyaha Ciidanka Booliska oo u Hanjabay Dadka Dhaliila Shaqadooda

0
498

Hargeysa-(Dawan) Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi ayaa u hanbay dadka dhaliila qaabka shaqo ee ay ciidanku qabtaan shacabka iyo khadyada ka dhaca xilliga ay ku jiraan hawlgallada .

 

 

Taliye Dabagale ayaa ku goodiyey in ay talaabo ka qaadi doonan dadka ku foogaan ka hadalka arrimaha ciidanka ,”kuwa booliska dhaliilaya ee caayaya ee ujeedooyinka kale leh laga yeeli mayo taas, ciidanku khalad wuu geli karaa, wanan gelaynaa, waxaan keenaysa shaqada la hayo “ ayuu yidhi

 

Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (dabagale) waxa uu sheegay in ciidamada Boolisku ay leeyihiin xeerar lagu ciqaabo askariga khaladka gala islamrkaana ay hore talaabooyin uga qaadeen haddana ay ka qaadayaan askriga ku kacay fal khalad ah .

 

Hadalka taliyaha ayaa kusoo beegmayaa xilli uu guddoomiyaha Xisbiga UCID isaga ku dhaliilay in uu musharixiinta ula dhaqmayo sidi argagixisada.

Leave a Reply