Xabaalaha Sheekh Muuse Ducaale oo Gurmad u Baahan iyo Dadweyne ka Hadlay + sawiro

0
1039

Qore Khadar M. Xaashi
Hargeysa (Dawan) Xaabalaha Xaafada Sheekh Muuse Ducaale ee magaalada Hargeysa ee xaafadda Boqol-jire, ayaa noqday Qubuuro daadadkii kala danbeeyay ee roobabkii ka da’ay dhinaca koonfureed ee caasimadu ay waxyeelo kala duwan soo gaadhsiiyeen, isla markaana Qubuuraha qaarkood ayaa dumay oo xabaalaha qaarna lafahoodii dooxa ku dareen.

Dadka uu xabaalahooda qaaday waxaa ka mida kuwa xiga dhanka cadceed ka soo baxa oo qaarkood xabaalihii noqdeen garbo tog ah oo maydadkii soo dhigay bannaanka.

Dadka degan xaafada Boqol-jire, isla markaana la jaarka ah xaabalaha Sheekh Muuse Ducaale ayaa ugu baaqay cidkasta oo gacan ka geysan karta daryeelka xabaalahaas in ay si deg deg ah ugu soo gurmadaan, maaddama lagu jiro xilli roobabkii Gu’gu dalka ka curteen, la iskuna dayo haddii dayr loo sameyn karro ama biyaha laga duwi karro.

Xabaalahan kuwooda xigga dhanka cadceed ka soo baxa waxaa ku soo durkaysa laag weyn oo ka dhalatay daadadkii kala duwana ee ka soo rogmaday roobkii dhawaan ka da’ay dhanka koofureed ee caasimada Hargeysa, gaar ahaan dooxa ka soo rogmada xaafada Sheekh Cumar, haddii aan si deg deg ah wax looga qaban fiditaanka garbada cusub xaabalaha dhanka koonfurta xigga waa ay qaadaysa.

Sidoo kale xabaalaha xiga dhanka waqooyiga kuwa ka mida waa uu qaaday, halka kuwa kalena wakhtigii aanu booqanay ay biyuhu dul joogeen xabaashi oo duntay.

Guud ahaan xabaalaha xaafada Sheekh Muuse Ducaale waxaa ay u baahan yihiin gurmad deg dega, waxaa ku aasan culimo, waxaa ku aasan ganacsato, waxaa ku aasan wariyayaal, cidkasta oo ehelkeedu ku aasan yahay waxaa loo baahan yahay in xabaalahaasi ay si deg deg ah ugu gurmato wax ka qabashadooda.

Maxamuud Ismaaciil Cabdale ahna iimaamka masaajidka xaafada Boqol-jire, isla markaana wax aan toban tallaabo ka fogayn u jira xaabaalahan uu daadku qaaday ayaa ka hadlay waxyeelada ay soo gaadhsiiyeen daadadkii kala danbeeyay ee soo maray laagta marta xabaalahan waxaanu yidhi. “Xaabalahi Sheekh Muuse Ducaale, waa ay go’een oo daadkii ayaa la tagay, marka haddii aan deg deg wax looga qaban inta hadhayna wuu iskaba raacinayaa.

Xaabalaha dayrkii weyna ee hore ee loo dhigay dhulka ayuu la simay, marka imika xabaalihii badhna wuu la tagey badhna way joogaan.
Qoysaskii maydadka halkani ku aasan si deg deg ah haw soo gaadhaan, inta aanu qaadin inta hadhay si dhakhso ah hawgu soo gurmadaan,”

Iimaamku isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas raaciyay. “Masaajidkiina waxyeelo weyn ayaa gaadhay, waanu dil dilaaciyay, suuligii wuu go’ay annaguna dirqi ayaanu ku siganay, marka walaalahayow waxaa aanu u baanahay gurmad deg deg ah, imika haddii raxmad kale timaad wuu qaadaya masaajidka iyo suuligaba”

Hooyo Caasha Ibraahim Sooyaal, waxaa ay jaar dhaw la tahay xaabalaha Sheekh Muuse Ducaale, waxaa ay si weyn uga damqatay waxyeelada ay daadadkii kala danbeeyay ka soo gaadhay xabaalahaasi waxaanay tidhi “Dadkii noola ayuu qaadaya xabaalihii daayo, madaxweynaha aabihi ayaa ku aasan, marka dadkii taajiriinta ahaa iyo badi culimadii magaalada Hargeysa ayaa ku aasan, waxaa loo baahan yahay dadkaasi iyo dawladda iyo dadweynuhuba wax ka qabtaan, biyaha xabaalahan soo maraya in dusha laga qabto.

Xabaalahan si deg deg ah wax halooga qabto, dayrkii ayuu qaaday, xabaalihii intii dooxa xigtay ayuu qaaday, dusha ayuu kaga yimid markii daadkii batay, intii kalena wuu qaadaya maanta haddii uu da’o, biyuhu waa daadkii Isha Cobosha ka soo rogmaday, ama Sheekh Cumar Yuusuf, qofba si uu u garanayo, biyaha halkani soo maray masaajidkii waxyeelo weyn ayay u geysteen oo wuu dil dilaacay, suuligiisiina waa ay dumiyeen, inta aanay inta kale soo saarin cidkasta oo wax ka qaban karta haw soo gurmato.

Halkan waxaa ku aasan Sheekh Muuse Ducaale, Sheekh Cali Xaaji Ibraahim, iyo culimo kale oo badan, marka cidkasta oo xabaalahan cid kaga aasan tahay haw soo gurmato”.

Leave a Reply