Dhaqanka iyo Suugaanta

0
985

Diyaariye. Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Abwaan iyo Fannaan caan ah oo ka baxay Bahda Dhaqanka Somaliland

Kumuu ahaa alle u naxariisto ee Abwaan Muxumed Cali Masmas oo kooban
Waxa Magaalada Hargeysa ku geeriyooday 5-tii Bishan May Alle ha naxariisto Abwaan Muxumed Cali Masmas oo kamid ahaa hal-abuurradda waaweyn ee Somaliland.

Marxuumka ayaa lagu aasay Magaalada Hargeysa, waxaana geeridiisa Umadda Somaliland iyo bahda Suugaanta ka tacsiyadeeyey masuuliyiin iyo dad kale oo kamida haldoorka Bulshada.
Haddaba, Alle ha naxariiste Abwaan Muxumed Cali Masmas waxa uu 1948-kii ku dhashay Magaalada Hargeysa. Noloshiisa qaybo kamid waxa uu kusoo qaatay Miyo iyo Magaalo labadaba, sida ay ka warameen dad aqoon u leh.

Curinta Suugaantu waxa ay ahayd mid alle u siiyey oo uu ilaa yaraatiisii Alifi jiray, inkasta oo sida muuqata aanu si aad ah ugu talax-tegin oo ay aad u kooban yihiin suugaanta soo baxday ee uu sameeyey.

Sidoo kale, Alle naxariistee Marxuumku waxa uu beryihii dambe uruurin jiray Suugaanta iyo Dhaqanka oo uu ahaa Kaydiye.

1964-kii ayuu sameeyay heestiisii ugu horaysay oo Waddani ahayd.

Heesaha hirgalay ee Abwaan Muxumed Cali Masmas sameeyey waxa kamid ah heesta SAHAN DHEER, ama LABA SOORYO WADA CUNAY oo uu sameeyay Laxanka Saaray Axmed Gacayte Liibaan, kuna luuqaysay alle ha naxariistee Fannaanadii Sahra Axmed Jaamac oo iyaduna geeriyootay sanadihii la soo dhaafay.

Abwaanka ayaa sidoo kale kale curiyay sugaan badan oo isugu jirta Jacayl, Waddani, Dhiiri galin Maansooyin iyo qaar kale oo ku taxan diwaanka suugaanta Soomaalida.
Heesta Sahan oo kamida heesaha ugu qiimaha badan ee ay ku luuqayso Sahra Axmed Jaamac alle ha u naxariistee, ayaa ah mid ka turjumaysa xeel-dheerida suugaaneed iyo farshaxanka curinta heesaha amma maasooyinka.
Waxaanay odhanaysaa sidan:

Laba sooryo wada cunay
sahan dheerna wada galay
saameeyay caashaqu
mid haduu socdaal galo
Sanado dhoor ah maqan yahay
Salaantii iyo jawaabtii
ka kalaa sugaayee
illeyn waa sedkiisiiyee.

kii aan sugaayow
seygey ahaayoow
isugoo yaanan soo noqon
sida nabad amaanee
salfudeydi maayee
sahlanaa amuuraha
bal aan saadsho maantana
sidey noqo allaa ogee.

Suul dhabane weeyee
Marna laguma sabo oo
sida sabi caruureed
kuma seexanaayoo
suney aniga ii tahay
subixii inaan tago
seedaha kasoo jarro
Ubaxaan ku saree
Kii aan sugaayoo
seygey ahaydoow
isugoo yaanan soo noqon
sida nabad amaanee
salfudeydi maayee
Sahlanaa amuuraha
bal aan saadsho maantana
siday noqon allaa ogee.

Sida ay sheegeen dadkii aadka ugu dhawaa, Abwaanku waxa uu ku sifoobay qof Afgaaban akhlaaq wanaagsan Diin iyo Dadnimo leh.

Allah haw naxariisto ee Abwaan Masmas ayaa sanadahii ugu dambeeyay u jiifay xanuun halleelay iyadoo uu caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Geesta kale, waxa todobaadkan ku geeriyooday dalka Norway Caasimadiisa OSLO, Fanaan u dhashay Somaliland Cabdi Jaamac Caabi (Qaboojiye) oo kamid ahaa fannaaniinta aadka looga jecelyahay Soomaalida dhexdeeda, kuna luuqeeyey Heeso door ah labaatankii sannadood ee u dambeeyey.

Alle ha naxariistee Cabdiqaboojiye, ayaa u geeriyooday cudurka Covid19 oo haleelay, isagoo Cisbitaal ku jiray in ka badan afar todobaad oo uu xanuunkaas u jiifay, isagoo ku jiray xaalad adag oo uu xanuunku markiyey.

Marxuumka ayaa lagu aasay isla Magaalada uu ku geeriyooday, iyadoo ay aaskiisa ka qaybgaleen hormuudka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Norway iyo kuwa degen dalalka kale ee Yurub.

Waxa Aaska ka qaybgalay badiba dadka ehelka u ah Fanka.
Haddaba akhristeyaal waxaan qormada dambe ee Dhaqanka iyo Suugaanta idiinku soo gudbin doonaa Taariikh nololleedka Fanaanka Cabdi Jaamac Qaboojiye.

Leave a Reply