Hargeysa (Dawan) Xukuumadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Muuse Biixi Cabdi, waa tii ugu horreysay ee la timaad qorshe cad oo waxtar u ah dhallinyarada faraha badan ee shaqa-laawayaasha ah oo intooda badani yihiin kuwii ka qallin jebiyey Jaamacadaha muddada Soddonka sanno ah ee ay jirtay Jamhuuriyaddu, waxanu ka mid ahaa qorshahani arrimihii uu Xisbul-xaakinka dalka ee Kulmiye u ballanqaaday dhallinyarada sida, abuurista qorshe shaqooyin loogu sameeyo, xilligii ololaha doorashada Madaxtooyada.
Waxa loo bixiyey qorshahani Mashruuca shaqo Qaran, kaas oo ah mid uu curiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, si dhallinyarada uu uga yareeyo mashruucaasi culeyska welwelka shaqo la’aanta waxana dhismihii Mashruucan, qalabeyntiisa iyo dhammaan waxyaabaha kale ee uu dhisme kasta oo cusubi u baahan yahay laga bixiyey Khasnadda Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.
Mashruucan Shaqo Qaran waxa loo qorsheeyey in sannad kasta Kun illaa kun iyo shan boqol oo ka mid ah dhallinyarada reer Somaliland ee shaqo-laawayaasha ee soo dhammeystay Jaamacadaha dalka oo isugu jira Wiillal iyo Gabdho, in xarunta shaqo Qaran lagu xereeyo, si halkaa loogu carbiyo, looguna baro nidaamka shaqada iyo shaqaalaha Dawladda.
Xukuumadda Xisbul-xaakinka Kulmiye, iyagoo fulinaya qodob ka mid ahaa ballanqaadyadoodii oo ah kii ugu muhiimsanaa, waxay hirgeliyeen markiiba dhaqaajinta Mashruuca Shaqo Qaran, waxana kasoo baxay xaruntaasi dufcaddii u horreysay oo tiradoodu dhammeyd KUN IYO SHAN BOQOL, kuwaas oo markiiba lagu kala meeleeyey Hay’adaha Dawladda iyo Ciidammada Qaranka ee kala duwan, isla sannadihii ka dembeeyey ee 2019 iyo 2020kii la qaatay oo la shaqaaleeyeywaxa dufcadihii labaad iyo saddexaad, dufcadda afraadna isla sannadkan aan ku jirno ayey ku xeroonayaan xarunta carbiska ee shaqo Qaran ee Dararweyne.
Xaqiiqo ahaan waxa lagu faano in Xukuumadda maanta jirtaa ay suurtagelisay hirgelinta iyo socodsiinta Mashruuca baaxaddaa leh ee Shaqo Qaran, kaas oo aanay dhinaca dhaqaalaha jirin cid kale oo gacan ka geysatay, basle uu yahay Mashruucani aqoon ahaan iyo dhaqaale ahaanba mid ay iskeed ugu tashatay Xukuumasdda uu horseedka u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Waxa kale oo uu Mashruucani meesha ka saaray qaabkii reernimo ee awal hore dadka loo shaqaaleyn jiray, maadaama si daahfuran ay imtixaan ugu wada fadhiistaan sannad kasta tirada shaqo-doonka ah ee soo codsada.
Tallaabada kale ee ay Xukuumaddani ku dhiiratay inay fuliso, waxa ay tahay inay joojisay oo ay soo afjartay sannadkan, dhammaan shaqaalihii ku-meel gaadhka ahaa ee Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladdu marka hore iskood u qoran jireen, kadibna Hay’adda Shaqaalaha Dawladda imtixaan la’aan ka xalaaleysan jireen shaqaaleyntooda, kadib markuu Madaxweynuhu amray in dhammaan imtixaan laga qaado shaqaalihii ku-meel gaadhka ahaa ee ku kala sugnaa hay’adaha Dawladda, intii gudubtana la shaqaaleeyo haseyeeshee laga bilaabo 2021ka aan lagu arki karin hay’adaha dawladda shaqaale dembe oo ku-meel gaadha, si loo maro dariiqa shaqo qorista oo ah, in hay’ad kasta oo u baahan shaqaale ay codsigeeda u gudubiso Hay’adda Shaqaalaha dawladda, iyadoo hay’adduna ku faafin doonta Warbaahinta, si markaa tartamayaashu ugu tartamaan imtixaan, dariiqaas oo ah ka caddaaladda ugu dhaw ee la mariyo muwaadiniinta shaqo doonka ah.
Run ahaantii Mashruuca Shaqo Qaran waa mid guuleystay, waana mid u quus gooyey cadowga Jamhuuhuuriyadda Somaliland, waayo mashruucan oo kale waxa fuliya dawladaha la aqoonsan yahay qaarkood, gaar ahaan kuwa lagu tiriyo inay ladan yihiin xagga dhaqaalaha, waxa suurtagal dalkeena, kadib markay Xukuumaddu dhexda suumanka ku giijisatay dhaqaalaha, isla markaana albaabada ka xidhatay dhammaan dadkii caadeystay tabo iyo xeelado ay had iyo jeer ku mashruucsan jireen dhaqaalaha kooban ee laga soo xereeyo cashuuraha kuwaas oo iyagu markiiba Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa suuqa u galay oo ku tilmaamay Xukuumaddan, [ XUKUUMAD HANDARAAB ] waa laydinka handaraabayaa oo weliba waxa laydinkaga xidhayaa khasnadaha qofollo PASS WORD leh ee idinkuna iska wata dacaayadihiina wada beenta iyo aflagaadada ah, Xukuumaddana waxanu ku ammaanaynaa siday dhegaha uga furaysteen ee ugu adkaysteen dacaayadahooida raqiiska ah.
Taariikhadaa qori, xusina doonta cid kastaa waxay usoo qabatay dalkan, waxase ka Somaliland ahaan inala gudboon inaan kala barano cidda nasteexeena ah iyo kuwa danaystayaasha ah ee xarfaanta ku ah sida dadka loo jahawareeriyo loona kala didiyo, si ay ugu gaadhaan danahooda gaaban ee gaar ahaaneed ee ku salaysan hunguriga kuwaas oo isku dhex-qasa runta iyo beenta si ay dadku isaga hor iyo daba wareegaan, una kala garan waayeen jahada saxda ee ay u dhaqaaqi lahaayeen, sidaa awgeed waxa bulshada la gudboon inay ka digtoonaadaan afku xooglayaasha oo ay shaandhada iska mariyaan wararkooda samayska.
Xigasho: Wakaalada wararka Somaliland.