Jooji Dooda Iyo Dhaliisha, Adigu Isa Sax!

0
432

Doodu meel walba wey ka dhacaysaa, hadaba marka aad dood ka qayb qaadaneyso, ku dedaal inaad fikrada la falanqaynayo ka hadasho, haku fikirin dad ama ashkhaas gaar ah inaad ka doodo. Marka aad aragto in doodu ku meereysanayso shakhsiyaad, doodaasi jooji, ka hor intaanad jaahil u muuqan, maxaa yeelay ka caqliga badani kama doodo wax aan fikrad ahayn.

Xasadka iyo dhibaatooyinka dadka waxaad naftaada ka badbaadisaa, kaliya kolka aad fikrad ka doodo ee aanad shakhsi weerarin laakiinse dhibaataba waxa ay taagan tahay marka aad dad ceebahooda iyo boogahood aad faraha la gasho.

Waayo qofka ku nuux nuuxsada ka doodista goldaloolada dadka badbaadistiiisu aad ayay u yar tahay, arimihiisuna way kala daataan; xasadkiisuna wuu bataa maxaa yeelay qof kasta waxa uu leeyahay ceebo aan isaga u muuqan.

Sidaa darteed, arintaa ku baraarug oo adigu isku mashquul ka hor inta aanad qof kale kale ka dul onkodin. Ka dood fikrad oo haka doodin ashkhaas.

Leave a Reply