Nuxurka War-qoraala oo ka soo Baxay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland

0
364

Hargeysa (Dawan) Guddida hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dhamaan masuuliyiinta wasaaraddaha iyo hay’adaha dawliga in shaqaalaha dawladu fasax ka yihiin shaqada maalmaha kala ah khamiista iyo sabtida munaasibada Ciidul fidriga awgeed.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in shaqada dib  loogu soo noqon doono maalinta Axada ee toddobaadka fooda innagu soo haya haddii ILLAAHEY yidhaaho, ee 16/5/2021.

Waxaana sidan lagu sheegay war qoraala oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda mudane Farxaan Aadan Haybe, soona gaadhay xafiiska warqabadka Mareegta Dawan.

No photo description available.

 

Leave a Reply