Deeqo Kala Duwan oo La Gaadhsiiyay Xarumta Agoomaha Hargeysa

0
772

Hargeysa (Dawan) – Deeqo kala duwan ayaa maanta la gaadhsiiyay caruurta agoomaha ah ee ku jir xarunta agoomaha ee caasimada Hargeysa, munaasidabada ciidal Fidriga ahwgeed.

Carruurtan agoomaha ah ee ku jirta xarunta agoomaha ee Hargeysa ayaa waxa munaasinada ciida kala qayb-galay masuuliyiin kala duwan, iyado loo qaybiya deeq loogu talo galay in ay ku farxaan munaasibada ciida.

Agaasimaha xarunta agoomaha ee Caasimada Caasha Maxamuud Qaalib ayaa sheegay in deeqahaas kala duwan ay xaruntaas soo gaadhsiiyeen xukuumadda Somailand, qaar ka mida ganacsatada iyo dad xubno kale oo ka mida qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu dambayn Caasha Maxamuud waxay u mahadcelisay dhammaad dadkaas oo gaadhsiiyay deeqaha carruurta ku jirta xarunta agoomaha ee Hargeysa, waxaanay bulshada u soo jeedisay in ubadkaas yar-yar laga warhay.

Leave a Reply