Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland oo si Weyn looga Ciiday

0
383

Hargeysa (Dawan)  – Munaasibada ciidal fidriga ayaa si wayn looga xuay dhamaan gobolada dalka, iyadoo dadweynahana ay tukashada salaada ciidal Fidriga ay kala qayb galeen masuuliyiin ka duwan oo ka mida madaxda qaran.

Sida ay ku soo waramayaan wariyeyaasha wakaaladda wararka uga soo warama magaalooyinka Boorama, Burco, Berbera, Ceerigaabo, Laascaanood iyo guud ahaan degmooyinka goos yimaada gobolada magaalooyinkaasi ay xarumaha u yihiin.

Waxa dadweynahaas tukashadii salaadda ciida kala qayb-galay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda dhexe iyo masuuliyiinta  goboladaas, kuwa degmooyinka kala duwan, waxaanay ku hambalyeeyeen munaasibada ciidal Fidriga awgeed, iyagoo u rajeeyay in ciidan teeda kale ay ku gaadhaan caafimaad iyo nabad-gelyo.

Gobolka Awdal waxa tukushada salaada Ciida kala qayb galay dadweynaha magaalada Boorama wasiirka wasaaradda ganacsiga, dal-xiiska iyo wershadaha Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), wasiirka wasaaradda beeraha Amed Muumin Seed, xoghayaha gobolkaas iyo masuuliyiin kale.

Leave a Reply