Madaxweynaha JSL Oo Gurigiisa Ku Booqday Abwaan Hadraawi

0
534

Hargeysa-(Dawan) war kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, soona gaadhay Wargeyska dawladda ee Dawan ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu maanta guriga uu ka deggen yahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku booqday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo kamid ah abwaannada ugu caansan guud ahaanba geyiga ay ku dhaqan tahay bulshada Afka Soomaaliga ku hadashaa.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu booqday huteellada Ambassador iyo Casood, waxana uu shaah iyo salaan la wadaagay shacab tiro badan oo farxadda ciidda halkaas ku qaadanayey, kuwaas oo ku farxay inuu madaxweynahoodu halkaas ugu teg.

Leave a Reply