Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo si Weyn lagusoo dhaweeyey Jabuuti

0
557

Jabuuti(Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayey oo gaadhay dalka Jabuuti, markii ay soo cago-dhigteen madaarka Xunbuli ee caasimadda Jabuuti waxa ku sugayey kuna soo dhaweeyey Ra’iisal wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ku qaabiley habmaamuska madaxweyneyaasha dalkaas socdaalka ku yimaadda.

Waxaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay weheliyaan wasirro ka tirsan xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti ay wakhti kooban ku wadda qaateen qolka madaxdu ku nasato ee madaarka, ka dibna madaxweynaha iyo waftigii la socday waxaa loo galbiyay qasriga ay hoggaamiyaasha dunida ka socdaa degaan oo ay ku sugan yihiin wakhtigan madax kala duwani oo ka soo qayb-galay caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaana safarka madaxweynaha iyo weftigiisa warbixin ka bixiyey, wasiir ku xigeenka ariimaha dibadda ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibeda Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan.

Wa bilaahi tawfiiq

Leave a Reply