Qore Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa (Dawan) Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay jeceshay inay iskaashi iyo amni kula macaamisho dalalka ay oodwadaagta iyo dariska yihiin, waxaana ay muddo dheer ahayd deyr sharka iyo shiddada kaga gudban dalalka Itoobiya iyo Jabuuti oo soohdin ay la wadaagto.
Somaliland oo ku taalla bogcad istaraataji ah, waxay xidhiidh saaxiibtinimo iyo iskaashi la leedahay dalalka Mandaqada oo ay ka mid yihiin Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay saddexdaas dalba ku leedahay Xafiisyo Wakiillo diblomaasiyadeed, iyadoo Jabuuti iyo Itoobiyana ay ku leeyihiin Hargeysa qunsuliyado,halka Kenya ay dhawaan magacowday Wakiil u fadhiyi doona Somaliland.
Xukuumadda Somaliland waxa ay xoojisay xawaarihii uu ku socday dedaalka loogu jiro aqoonsi raadinta Somaliland. Waxa kaloo ay jabisay derbigii muddada dheer ka hortaagnaa inay kasbato maalgashiga caalamiga ah iyadoo Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabtu ay $442 Milyan oo Doolar ku casriyeynayso marsadda Berbera oo loo diyaarinayo inay noqoto marin weyn oo ganacsi oo isku xidha Geeska iyo Bariga Afrika. Waxa mashaariicdaas horumarinta ee dekedda Berbera doorkeeda ka qaadanaysa Itoobiya oo maalgelinta dekedda ku leh saami dhan Boqolkiiba Sagaal iyo Toban. Sidoo kalena waxa labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya ka wada shaqeynayaan jidka hawlbowlaha ah ee Berbera Corridor oo isku xidhaya marsadda Berbera illaa Magaalada Wajaale.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi wuxuu jimcihii Toddobaadkii hore uu socdaal ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu kaga qaybgalay xafladii dhaarinta iyo caleemo-saarka Madaxweyne Geelle,waxana madaarka Jabuuti meeqaamkii ugu sareeyey ugu qaabilay Ra’iisul-wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.
Sidoo kale, waxa Sabtidii uu madaxweynaha Somaliland ku biiray Madaxdii ka socotay Afrika iyo caalamka ee lagu soo martiqaaday xafladaas waxaanu madaxweynuhu kulanno gooni gooni ah la yeeshay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxdii kale ee xafladaas goobjooga ka ahaa oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaasha Kenya, Guinea Conakry, Uhuru Kenyatta iyo Alpha Condé iyo Ra’iisul-waasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ruwanda.
Madaxweynaha Somaliland waxa ka go’an inuu ka faa’iideeyo fursad kasta oo danaha dalku ku jiraan isla markaana uu cagaha dhigo madal kasta oo Hoggaamiyeyaasha Afrika iskugu imanayaan si uu u dhacsiiyo Qaddiyadda Qarannimada Somaliland.
Waxa xafladii caleemo-saarka madaxweyne Geelle uu madaxweynaha Somaliland u noqotay fursad uu guul diblomaasiyadeed kaga gaadhay yoolkii uu ka lahaa socdaalkaas qaatay saddexda maalmood ee uu ku tagay Jabuuti, taasi oo cadowga JSL ku noqotay tumaati siyaasadeed oo aanay filaynaynin.
Ra’yul-caamka bulshada reer Somaliland ayaa aad u soo dhaweeyey socdaalka madaxweynaha oo ay ku tilmaameen mid muhiim ahaa oo madaxweynuhu uu ka faa’iidaystay jaanis siyaasiya.
Ugu dambeyn, Dadka la socda siyaasadda ayaa aaminsan in hab maamuuska ay dawladda Jabuuti ku qaabishay Weftiga Madaxweynaha Somaliland uu calaamad u yahay isbeddel xoog leh oo duruuftu keentay oo Jabuuti ku garwaaqsatay in masaalixda jaarnimo ee ka dhexeeya Somaliland uu ka muhiimsan yahay cilaaqaadka dhexeeya Soomaaliya oo ka abaal ka dhacday gogoshii iyo maalkii soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ay Jabuuti la garab taagnayd si loo xasiliyo dalkaas qalalaasuhu hadheeyey.