Buugga Nacasnimada Siyaasadda!

0
693

Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubraik ayaa saxaafaddu ku dhaleecayn jirtay inuu yahay qof  nacas ah oo amaan jecel isla maraakan aan aqoon lahayn. Kitaabka lagu magacaabo “ Nacasnimada siyaasadeed” ee uu qoray Maxamed tawfiiq ayuu si ballaadhan ugu soo qaatay qisas badan oo siyaasadeed.

Waxaana buuga ku qoran in Xusni mubaarik maalin wasiirka Warfaafinta weydiyay su’aalahan “: Kebaa wanaagsan aniga iyo Jamal Cabdi Naasir” Wasiirkuna oo ahaa aqoonyahan caqli badan ayaa ku yidhi “ Adiga ayaa wanaagsan, waayo Jamal Cabdi Nasir wuxu ka baqan jiray Ruushka”. Haddana wuxu weydiiyay aniga iyo Anwar Asadaat oo ahaa madaxweynihi isaga ka horeeyay. Wasiirka ayaa ugu jawaabay adiga ka wanaagsan waayo isagu wuxu ka baqan jiray Maraykanka.

Markii danbe isagoo faraxsan ayu weydiiyay “ aniga iyo Cumar Binu Cabd-casiis oo ka mid madaxdii muslimiinta ugu magic weynaa:. Waxaana u wasiirku ugu jawaabaya : Cumar Binu Cabdi Casiisa Ilaahay ayuu ka baqan jiray”.Markii u jawaabahaasi helay Xusni Mubaarik aad ayuu u faraxy.  Waxaana la ogaaday in dadka inta badan faanka jecel isla markaana amaanta ka helaa ay yihiin kuwo nacasyo ah oo aan isku kalsoonayn, sababtuna waxay doonayaan I lagu sheego xataa ariimo aanayastaamo ku lahayn.

Leave a Reply