Caadooyinka Guurka Ee Kal Duwan

0
414

Guurku waa dhaqan ay aadamuhu kaga duwan yihiin noolaha kale kaasi oo ah dariiqa tarankooda.  Laakiin hadana qaabka la isu guursado ee bulshooyinka dunida ayaa aad u kala duwan. Waxaana qaarkood ay leeyihiin dhaqano iyo caadooyin la yaab leh:

Dalka Shiinaha Bulshada Tibit marka uu soo xusho gabadha ay is guursanayaan , koox ka mid ah xigaalka iyo qaraabada gabadha ayaa soo kexeeya gabadha waxaana ay fuushiyaan geed aad u dheer , markaasi ayay isagana u yeedhaan iyagoo hoost taagan geedka oo sita ulo.

Qaraabada gabadha ayaa ninka ku yidhaa “ haddii aad doonayso inantayadaa ugu kor geedka dushiisa” iyagoo sita ulahooda, marka uu isku dayo inuu geedka fuulo ulaha uu sito ayay meel kasta kala dhacaan oo aad u xanuun kulul.

Kooxda qaraabada gabadha ah ee dhengedda sidata waa dumar laakiin waa iyana ag taagan koox rag ah oo garsoor ah, lama ogola inuu dhengadaasi iska difaaco iyo inuu xanuunka awgeed la dagaalamo dumarka usha la dhacaya midna.

Haddii uu adkaysto oo fuulo geedka waa inuu gacanata soo qabsadaa iyaduna soo raacdaa,oo uu geedka kala soo degaa. Waxaana yaab leh in aanay ka deynayn dhengadda  ilaa uu kala baxasado oo kala fogaado. Waxaana caado u ah haddii uu ninku u adkaysan waayo ushaasi in aana helayn gabadh bulshadan ka soo jeeda oo uu guursadao.

Leave a Reply