Dembiilayaasha Iyo Qirshada Wakhtiga Denbiga!

0
397

Nin Maraykan ah oo lagu magacaabo James Brower ayaa u baxsaday gobolka Tennessee sanadkii 1977, markii lagu tuhmay inuu dilay nin jaarkiisa oo lagu magacaabi jiray Jimmy Carroll. Waxaana uu nolol cusub ka bilaabay Oklahoma  isagoo magaciisana bedelay oo la baxay mid cusub. Haddaba markii uu James uu ku dhuftay xanuunka Storke, isagoo ku jira isbitaalka ayuu gabadhiisa si hoose ugu qirtay inuu dilay , isaoo yidhi “ Waxaan doonayaa in la aqoonsado ninkaasi in aan anigu dilay ka horn inta aanan dhiman.

Waxaana ay u sheegtay booliiska , waxay  ahayd sir ku cuslayd damiirkiisa muddo 30 sano ah, wakhtigan waxa dhamaatay inay ku sii jirto laabtiisa.

Sanadki 2008 ayay iyana gabadha Dian qiratay inay dishay laba gabadhood ,” Constance Smotz Heffinr “iyo” Caroline Heffinr Bear “, sanadkii 1967 , waxaana wakhtigaasi cadayd in dilka labada gabdhood  si isku mid ah u dhacay, iyadoo rasaas loo adeegsaday. Daina ayaa sanadkaasi u guurtay magaalo kale waxayna guurstay nin iyadoo u dhashay laba caruur ah. Waxaana qirashada warkan ay bixisay wax yar ka hor intii aanay dhiman, iyadoo weli aan la aqoonsan ciddii ka danbaysay dilka labada hablood. Waxase yaab noqotay in dilalka aan la aqoonsan ay qirtaan dadki fuliyay wakhtiga sakaraadka ay ay ku jiraan

 

Leave a Reply