Tababar ku saabsan Daryeelka iyo Daweynta dadka Qaba xaNnuunada Dhimirka oo Borama lagu soo Gabo gabeeyay

0
301

Qore Khadar M. Xaashi

Borama (Dawan) – Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa tababar ku saabsan daryeelka iyo daweynta dadka qaba xannuunada dhimirka ugu soo xidhtay magaalada Boorama qaar kamida dhakhaatiirta ka hawl-gasha isbitaalada lagu daweeyo xanuunada maanka ee kuyaala deegaanada Somaliland.

Dr. Yacquub Aadan oo ka socday hay’adda SSI, isla markaana kaalin ka qaatay qabashada tabbabarkan ayaa sheegay in ujeedkeedu yahay sidii loo tayaynlahaa adeegyada caafimaad ee loo sameeyo dadka qabba xannuunada Dhimirka.

Dr. Yacquub isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Waa mahad weyn runtii weeyaan, shanteeni cisho hawlo fara badan ayaanu soo qabanay, waxaa aynu ku guulaysanay qorshe aynu ku tayaynayno daryeelka bukaanada caafimaadka ee lagu taakuleeyo xarumaha dawladdu ay leedahay.

Waxaa aanu isla garanay oo kale in la qofkasta lagula xisaabtamo wixii halkan uu ka bartay lagulana xisaabtayo ka soo qayb galashaaya shaqada aynu abuurnay inay hirgaleyso iyo in kale”

Xubnaha ka soo qayb galay tabbabarkan ayaa si isku mida u boggaadiyay qabashada tabbabarkan waxaanay yidhaaheen “Aad iyo aad ayaanu idiinku dhiirigelinaynaa, mihiimada meesha taalana waxa weeyaan intiina hawl wadeenada ah laga midha dhaliyo hawshaasi, in aad hannaanka hab maamulka aad kor u qaadan, gobollada aan la gaadhina la gaadhsiiyo, degmooyinka aan la gaadhina la gaadhsiiyo, isla markaana dalka oo dhan laga wada fuliyo hawshani, sababto ah dadka ku jira goobaha Maanka lagu daweeya waa dad aad iyo aad u dayacan.

Dhab ahaantii farxad weyn ayay ii tahay maanta in aan idinkala soo qayb galo, kulankan oo socday muddo shan maalmooda, laguna gorfaynayay sidii loo heli-lahaa ama loo sameyn lahaa habraac laga siman yahay, dalka oo dhan isla markaana lagu dhaqo xarumaha Dhimirka ee dalka.

Waxaanay bilow u tahay dadaalo aad u balaadhan oo wasaaradda horumarinta caafimaadku wado oo lagu horumarinayo adeeg bixinta caafimaad ee dhimirka”

Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal, Mustafe Muumin ayaa sheegay in ay mihiim tahay in lagu dadaalo dadka qaba xannuunada dhimirka ku dhaca “Gobol ahaan annaga mihiim ayay noogu tahay farxadna waa ay noo tahay, in gobolka Awdal lagu qabto oo ay ku fusho, waynu garanayna xaalada aynu ku jirno, iyo bulshadu dhibaatada kala duwan ee ay la tacaalayaan kana waa uu ka duwan yahay oo waaba qof aan fid ahayn, taasina waata keenaysa in aanu qofku wax kale haba yaraate aanu u diga roganin, amase maareynteedu marnaba ku soo dhicin, waanan ku kalsoon nahay dhammaan kooxihiina kala duwan ee gobollada ka kala yimid in aad si mug leh hawshaasi is badan weyn uga sameynaysaan”

Leave a Reply