Hogaamiye Cafiska Ka Bartay !

0
471

Napoleon Bonaparte wuxu ahaa boqorkii Faransiiska 1769-1821 , waxaana uu ahaa hogaamiye dagaal badan oo xoog lahaa qarnigii 19 aad. Waa hogaamiyaha ciidan kuwa ugu caansan uguna maskaxda badana tariikhada dhow. Qawaaniinta Faransiiska lagu xukumo iyo weliba Yurub inteed badan waa kuwiisa.

Napoleon ayay maalin Islaan da’ ahi u timi iyadoo ilmaynaysa waxayna cafis uga doonaysay wiil ay dhashay oo la xidhay ka dib markii uu galay denbi weyn.  Waxayna ku tidhi “ Waxaan ogahay inaad tahay qof naxriista, markaa waxaan ka codsanayaa inaad ii cafido wiilkayga”.

Napoleon ayaa ku yidhi “ Waan jeclahay naxariista, laakiin wiilkaaga mar hore ayaan cafiyay, markaa hadda ma cafiyayo”. Hooyadii ayaa ku celisay “ Imika oo keliya haddaba ii cafi “.

Napoleon ayaa yidhi “ Maya , ma cafiyayo, waayo xaq uma laha inaan cafiyo , mar hadii uu yaraystay cafiskii  hore ee aan u sameeyay, Sidaa awgeed cafis uma samayn karo mid xaqba u leh maaha cafiska”.     Hooyadii ayaa haddan tidhi “

“ Haddii aad cafido mid xaq u leh cafiska, maaha taasi cafis, laakiin marka aad cafido mid aan xaqba u lahayn in la cafiyo ayay naxariis iyo cafis noqonaysaa “

Napoleon ayaa aamusay ka dibna yidhi “ Hadda waxaad I fahamsiisay waxa cafisku yahay iyo goorta loo baahan yahay , markaa hadda waan cafiyay wiilkaaga “ . Xikmaduhu dadka oo dhan way ku wada jiraan maskaxdooda.

Leave a Reply