Dambaska Maydka Oo Laga Sameeyo Maacuun!

0
472

Dalka Mexico oo ku yaalla latin America ayaa arin yaab leh laga sameeyay taasi oo ay sheegeen inay ku xusuusanayaan dadkoodii dhintay.  Fikradan oo uu curiyay nin dalkaasi u dhashay oo lagu magacabo Keiro taasi oo ah in dambaska dadkooda dhinta markay gubaan ay guryaha ku kaydiyaan ka dibna laga sameeyo weel guryaha lagu haysto oo la isticmaalo si loo xusuusto qofkii dhintay.

Shirkad weelka samaysaa ayaa iyana ka faa’iidasatay  fikradaasi iyadoo dambaska iyo lafaha qofkaasi dhintay wixii ka hadhay ay ka samays weel.

Waxaana la sheegay in  lafaha dadka dhinta iyo dambaska ay ku daraan dhoobo waxayna ka samayaan koobab iyo bilaydho. Shirkada ayaa  sheegtay in samaynta koobka keliya looga baahanyahan 100 Gr oo dambaska qofka dhintay ah. Ninkii curiyay fikrardan oo lagu magacaabo Keiro iyo shirkadda hirgelisay ayaa la sheegay in sanadkii tegay 2015 ay iibsadeen  200 lafaha dadka dhinta ah si looga sameeyo weelka. Dad badan ayaa ka soo hor jeestay oo qaarkood ay ugu hanjabeen shirkadda laakiin weli Mr.Keiro wuxu aaminsan yahay in habka loo xusuusan karo qofka dhintay ay tahay iyadoo dambaskiisa laga sameeyo weel guriga lagu haysto. Aadmiga waxa xoolaha ay kaga duwan yihiin caqliga, laakiin wuxu u baahan Iimaan iyo rumaynta Allah si uu u kala saaro wanaagga iyo xumaanta

Leave a Reply