Dhibaatadii Lagu Xaliyay Caqliga!

0
728

Sanadadii lixdanaadkii qarnigii hore, dadka degan xaafadaha  dadka saboolka ah ee caasimadda Maraykanka Washington ayaa aad uga cadow Jiir si ba’an ugu dhex nool oo waxbana aan lagala qaban, Iyagoo codsaday in dawladda iyo dadka hantida haystaa ay arinkaasi waxa kala qabtaan laakiin codsigooda lama dhegaysan madaama ay dadka ku nooli ahaayeen dadka madow ee saboolka ah.

Mr.Julius Hobson oo ka tirsan dabqadda dadka madow ayaa aad uga xumaaday arinkaasi, waxaana uu bilaabay inuu Jiirka ka buuxiyo qafas shebeg ah oo uu ugu talo galay, ka dibna gaadhigiisa ayuu saaray isagoo ku xidhay cod baahiye weyn.

Mr. Julius Hobson ayaa la dhex maray xafaadaha dadka hantida leh isagoo ku dhowaaqayay hadii aydaan ka caawin dadka saboolka Jiirka aniguna imika waxaan idinku soo dayn doona  isga oo qafaskaasi ka buuxa si aad ula dareetaan dhibaatada. Maalintaasi ayaa loo dhaqaaqay in mushkuladda dadkaasi laga caawiyo.

Leave a Reply