Sheekh Maxamuud Haybe oo Bulshada ka Waaniyay in laga fogaado waxyaabaha Cadhada ILLAAHEY ka Dhalan karto

0
710

Hargeysa (Dawan) Sheekh Maxamed Haybe, kana mida culimada waa weyn ee reer Somaliland, ayaa khudbadiisi Jimcaha ee shalay ayaa sheegay in xumaantii ay badatay, aflagaadadii ay badatay, macsidii ay badatay, caydii ay badatay, samaleelkii ay uu batay, salad la’aantii ay badatay, dumarkii bila xijaabka ahaa ee dharka ragga xidhanayay ee koofiyadaha iyo garamaanta xidhanayay ay batay, in raggi iyo haweenkii gaadiidkii ololaha doorashooyinka ay wada saaran yihiin,  isku milankii raga iyo dumarku uu batay, waxaanu ku waaniyay bulshada in ay la gudboon tahay  in la toobadkeeno dadkana lagu dhiirigelino in ay xagga ALLE u noqdaan oo ay  toobadkeenaan.

Sidoo kale sheekhu waxaa uu tilmaamay in Nabiga SCW, laga wariyay in uu yidhi  ‘Waxa iman doonta in qaar ka mida ummada dhulka lala jaro, qaarna in suuradooda la dooriyo, kuwana dhagxaan cadaab ah samada lagaga soo daadiyo,’ waxaanu bulshada ku booriyay in laga fogaado waxyaabaha keena cadhada ILLAAHEY.

Waxaanu sheekhu sidan ka sheegay khudbadii Jimcaha ee Masjidul Rashiid ee magaalada Hargeysa.

Sheekh Maxamuud Haybe isaga oo khudbadaasi dareen taabashada iyo wax ku qaadashada leh ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Xumaantii ayaa badatay, aflagaadadii ayaa badatay, macsidii ayaa badatay, caydii ayaa badatay, samaleelkii ayaa batay, salad la’aantii ayaa badatay, dumarkii bila xijaabka ahaa ee dharka ragga xidhanayay ee koofiyadaha iyo garamaanta xidhanayay ayaa batay, baabuurta ayay wada saaran yihiin, isku milankii raga iyo dumarka ayaa batay, waxa batay in aynu ku faano wax aan lagu faanin, habeen iyo maalin ayayn leenahay Dimuquraadiyadii ayaa hanaqaaday oo aynu leenahay weli dadku may bislaan.

Imika ayay bislaadeen oo ay xumaan sameeyeen maxaynu diin ugu faani weynay? Maxaynu u odhan weynay waar dhaqan ayaynu leanahay? Waar xishood ayaa ILLAAHEY (SWC) ina faray ee wax hala iskula hadho, qofkii rabba in uu janada galo geeridu haw timaado isaga oo ILLAAHEY rumaysan.

Nabiga SCW, waxaa laga wariyay in uu yidhi  waxa iman doonta in qaar ka mida ummada dhulka lala jaro, qaarna in suuradooda la dooriyo, kuwana dhagxaan cadaab ah samada lagaga soo daadiyo, waxaanu sheegay in arrimahani xilliga aakhira sabanka imanaya waliba marka dumarka heesa ay caan noqdaan, waxyaabaha daroogooyinka ah ee Maandooriyaha ahna lala soo caanbaxo, imika dumarkii fannaaninta ahaa ayaa badatay oo caan baxay, marka waxaa inala gudboon in aynu toobadkeeno dadkana ku dhiirigelino in la toobadkeeno, ILLAAHEY ayaa calamkan maamula isaga ayaynu adoomo u nahay, ILLAAHEY waxaa uu ka doonaya adoomihiisa Kitaabkiisa in la raaco,”

Leave a Reply