Guddoomiyaha Maxkamadda Sare  oo xafiiskiisa ku Qaabilay goob-joogayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka.

0
585

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday, goob-joogayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada oo uu hoggaaminayay Mr Michael Walls oo ay wehelinayeen, Dr Jaamac Muuse Jaamac iyo Dr Amaal Cali oo ka mid ah goob-joogayaasha doorashada.

Guddoomiyaha iyo waftiga ayaa isla gorfeeyay habsami-u-socodka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee 31 May loo dareerayo, caqabadaha laga soo gudbay iyo sida ay ahmiyad weyn u leedahay in doorashadu u qabsoonto si hufnaan leh, oo ay isla ogolyihiin dhinacyada ku tartamaya.

Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa xubnaha waftiga warbixin ka siiyay sida ay hay’adda garsoorku ugu diyaar garowday in ay xaliso cabasho kasta oo soo gaadha, isagoo xusay in uu guddoomiyayaasha maxkamadaha heerarka kala duwan ee dalka faray, in ay taxadar dheeraad ah muujiyaan. Guddoomiyaha ayaa faahfaahin ka siiyay xubnaha waftiga xeerka doorashooyinka iyo dariiqyada sharci ee u banaan dhinacyada doorashada ku loolamaya haddii ay timaado cabasho la xidhiidha hannaanka doorashadu.

Masuuliyiinta ka socday goob-joogayaasha doorashada ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan, dedaalada ay wadaan garsoorka dalku, iyagoo xusay in ay horseedayso daah-furnaanta doorashada, korna u qaadayso kalsoonida axsaabta qaranka.

Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu xubnaha waftiga uga mahad-celiyay doorka ay goob-joogayaasha caalamiga ahi kaga jiraan hab-sami-u-socodka doorashada dalka ka qabsoomaysa 31 May.

Leave a Reply