Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo Kulan Wadatashi ah la Yeeshay Musharaxiinta Maroodi-jeex iyo Hargeysa

0
482

Hargeysa (Dawan)- Hoggaanka Xisbiga KULMIYE, ayaa kulan ballaadhan oo wadatashi ah kula yeeshay musharaxiinta Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex xarunta dhexe ee xisbiga xalay.

Kulanka oo ka sakow hoggaanka KULMIYE ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirrada Xukuumadda ee Gobolka Maroodi-jeex iyo inta badan 37 musharax ee xisbiga KULMIYE uga sharaxan Wakiillada iyo Deegaanka Hargeysa iyo Maroodi-jeex, ayaa lagaga wadahadlay arrimaha doorashada iyo u diyaargarowgii u dambeeyey ee maalinta codbixinta loo dareerayo oo ah 31ka May oo laba maalmood uuni innaga xigaan, waxaanna la isku dardaaray in la ilaaliyo wadajirka, wadashaqaynta iyo dadaal lagu ilaaliyo codka si loo gaadho guusha xisbiga iyo ta musharaxaba.

Guud ahaan shirkaasi waxa uu ku dhammaaday is afgarad buuxa iyo ballamo ay kala qaateen xisbiga iyo musharaxiintiisu.

Leave a Reply