Madaxweynaha JSL Oo Qaabiley Goobjoogayaal ka Socda Dhawr iyo Toban Dal

0
537

Hargeysa-(Dawan)- Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Goobjoogayaal ka Socda Dhawr iyo Toban Dal Oo U Yimi kormeerka Doorashooyinka Wakiillada Iyo Deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qaabilay goobjoogayaal ka socda dhawr iyo Toban waddan oo uu hoggaaminayo Agaasimaha guud hay’adda Brenthurst Foundation, Dr Greg Mills, kuna wehelinayaan madaxweynihii hore ee Sierra Leone Mr. Ernest Bai Koroma iyo hoggaamiyihii hore ee mucaaradka, ahaana murashaxii madaxweynenimo ee mucaaradka dalka Ugandha, Dr. Kizza Besigye oo Somaliland u yimi kormeerka iyo qiimaynta doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ee ka qabsoomaya Jamhuuriyadda Somaliland 31-May-2021 oo hal maalin ka hadhsan tahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu goob-joogayaasha warbixin guud ka siiyey hannaanka ay Somaliland ku caano maashay ee ay halkan ku soo gaadhay inay tahay kala danbayn, isu-tanaasul iyo shacab qiimo badan oo dareensan qiimaha waddaniyaddu leedahay, taas oo sababtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay u hirgalaan wax badan oo aan ka hirgelin adduunka intiisa kale, maantana Somaliland lagaga daydo.

Madaxweynuhu waxa uu u sheegay goobjoogayaasha inay indhahooda ku soo arkaan horumarka iyo Dimuquraaddiyadda ka hana qaadday guud ahaan Somaliland, adduunka intiisa kalena ay gaadhsiiyaan wixii ay la kulmaan, noqdaanna kuwo ka markhaati kaca waxa ay Somaliland ka sugayso beesha Caalamka oo ah aqoonsi buuxa maaddaama ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa.

Sidoo kale, goobjoogayaashu waxay dhinacooda madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyeen horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsadeen, kuna gaadheen in Toddobada doorasho looga dareero Jamhuuriyadda Somaliland.

Dalalka ay ka kala socdaan goobjoogayaashu waxay kala yihiin, UK, Canada, South Africa, Ghana, Uganda, Zambia, Kenya, Liberia, Tanzania, Zimbabwe, Namibia, Sierra Leone iyo Mozambique

ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Leave a Reply