Shimbiraha iyo Fahamka Codadka Kala Duwan!

0
546

Kevin Mitchell oo ka shaqeeya daryeelka hal milyan oo digaag ah oo lagu xanaaneeyo Washington iyo Oregan ee dalka Maraykanka  ayaa sheegay in Digaagu ay leeyihiin luqad ay ku wada hadlaan oo isku afgartaan. Si arinkaasi loo xaqiijiyo  aqoonyahano ka tirsan xarunta wershadaynta digaaga ee Georgia ee farsameeyay qalab turjumaya luqadda Digaaga.

Sida lagu daabacay  wargeyska scientificamerican,  waa qalabka codka Digaaga u bedelaya tilmaamo dadku fahmi karaan. Waxaana aqoonyahandu cadeeyeen in Digaagu u sheekaystaan sida dadka oo kale , iyadoo codka kolba ay bixiyaan uu ku xidhan yahay hadba xaaladda ku hareeraysan. Digaaga ayaa qayliya marka xaaladda ay ku jiraan tahay mid halis ah.

Smith oo ka mid ahaa khubarada arinkaasi baadhaysay ayaa wargeyska u sheegay in isgaadhsiinta iyo xidhiidhka Digaagu leeyihiin uu ka adag yahay sidii hore loogu haystay. Smith iyo saaxiibada la shaqaynayay ayaa qalabka wireless ku xidhay qolalka Digaag (using bra straps) kaasi oo soo gudbinayay wax kasta oo ay samaynayaan Digaagu iyo codka wakhtigaasi ay bixinayaan.

Georgia Poultry Industry  oo ah wershad weyn, ayaa sheegtay in shirkadu kor u qaadayso digaagga daryeelkiisa. Mr.Daley oo xaruntan ka hawl gala ayaa isna yidhi : “Wax badan ayaan ka hadalnay arimahan waana faa’iido iyo waxtar weyn. Nidaam dabiici ah oo arrintan loo sameeyo laguna ogaado dhaqdhaqaa iyo isbedelka Digaaga ayaa hore u jirey, laakiin hadda wax loo bedelay tiknoolajiyadda si loogu fahmo si dhab ah xaaladaha ay ku sugan yihiin Digaagu iyo waxa ay ka cabanayaan.

 

Leave a Reply