Maxay Dadku U Rumaystaan Khuraafaadka!

0
453

Madaxweynihii François Duvalier, oo loo yaqaan PapaDoc,wuxu ahaa madaxweynaha dalka Haiti mudadii u dhaxaysay 1958 – 1971.  Waxa uu aad u aaminsanaa khuraafaadka  waxaana si waaliya uga dhaadhacsaan in tirada 22 ay tahay mid awood iyo quwad gaara leh, ka dib markii uu xukunka dalkiisa inqilaab millatari ku qabsaday 22 October sanadkii 1958.

Waxaana uu aad u necbaa madaxweynihii Gorge Kennedy ee Maraykanka maadama uu ahaa Madaxweyne PapaDoc,mid aad u aaminsanaa shuuciyadda, Madaxweynahaasi Kannedy ayaa isagana lagu dilay  Gobolka Texas ee dalka Maraykanka bishii November 22dii, sanadkii 1963.  Taasi oo iyana sii xoojisay jacaylka iyo aaminsanaanta uu u qabo maalinta 22 bisha.  Mr. François Duvalier  Waxa uu rumaysnaa in maalin kasta oo bishu tahay 22 ay tahay maalinta keliya ee nabadda ah ee uu ka bixi karo qasrigiiisa madaxtooyada isla markaana ay tahay maalin uu nasiib ku leeyahay.  François Duvalier ayaa dhintay maalintii ay bisha April ahayd 21, sanadkii 1971, waxaana la shaaciyay dhimashadiisa 22 bisha April sanadkii 1971 oo ahayd maalintii uu aaminsanaa inay tahay maalin uu nasiib ku leeyahay oo awood iyo quwad la saaxiib ah.

 

Leave a Reply