Wakhti Badan Haku Lumin Fikirka Khariban

0
730

Isagoo xafiiskiisa oo ku yaalla dabaqa sare fadhiya oo aad u fikiraya isla markaana isla maqan ayuu nin ordayaa u soo galay kaasi oo qaylinayay waxaana uu ku yidhi “ Waar yaa Jhon , inankaagii Bell  shil gaadhi ayuu galay, isla goobtiina wuu ku dhintay”.  Ninkii isagoo aad u naxsan ayuu si orod ah uga soo dhadhacay dabaqii sare.

Markii uu meel dhexe marayo ayuu ogaaday inuu fuushana dabaqa 10aad  oo ahayd inuu wiishka soo raaco. Isagoo weli ordaya ayuu haddana xusuustay in aanay caruurtiisa kuba jirin wiil la yidhaa magaca Bell.

Muddo yar isagoo weli degdega ku jira ayuu haddana ogaaday in aan isaga xataa magaciisa laba odhan Jhon, oo magaca uu ninku ugu yeedhayay ah. Mar danbe ayuu ogaaday in ninka warka loo sheegayay aanu isaga ahayn ee ninka fariinta keenay uu ku khalday xafiis kale.

Fikirka faraha badani wuxu sababi karaa inaad naxdin u dhimato, markaa weligaa aduunayada iyo fikirkeeda ha isku siin dayn u xalil dhib kasta sida ugu sahlan.

Leave a Reply