Hargeysa (Dawan) Waxaa shalay si habsami leh u soo idlaaday doorashadii goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee Somaliland, iyadoo dadweynuhu ay sugayaan ku dhawaaqista natiijada doorashadan.
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda soo gaba-gabeeyaan tirinta codadka doorashada ee gobollada qaar, iyaga oo ku dhawaaqi doona natiijooyinka kama dambeysta ah.
Ilaa iyo hadda ma jirto saadaal rasmi ah oo ku aaddan xisbiga la filaayo inuu ku guuleysto aqlibiyadda kuraastii loo tartamay.