NATIIJADA DOORASHADA EE GOBOLADA TOGDHEER IYO M/JEEX IYO SAAMAYNTA SAAXADA SIYAASADDA DALKA!

0
79

W/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr)*

*HORDHAC:*

*Madaxweynaha Jam. Somaliland waxaan si milga leh ugu bogaadinayaa go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay taasoo uu ku calool adaygay kagana dhabeeyey hirgelinta doorashooyinkii isku-sidkanaa ee dalka ka qabsoomay 31/05/2021. Waxay ahayd dhacdo taariikhi ah oo qurux iyo karaamo badan u soo kordhisay guud ahaanba Qaranka JSL, wanaageeda iyo sumcadeedana waxa ku suntan Madaxweyne Muse Biixi.*

*Doorashooyinkii 31 May 2021 dalka ka dhacday, natiijooyinkii ugu xiisaha iyo xamaasada badnaa waxay ka soo baxeen Gobollada Togdheer iyo M/jeex. Togdheer iyo M/jeex waa laba gobol oo baaxad leh, bulsho badani ku nooshahay, xagga hirdanka siyaasadda dalkana ku leh saamayn aad u weyn. Waa laba gobol oo ay ku xidhan tahay guusha ama guuldarrada Xisbiyada Qaranku.*

*Laga bilaabo markii uu dalkeenu u gudbay hannaanka xisbiyada badan iyo nidaamka dimuqraadiyada 2002, Gobollada Togdheer iyo M/jeex waxay ku suntan yihiin gobollada uu ka dhaco loolanka siyaasadda ee ugu adag. Sidoo kale, Gobollada Togdheer iyo M/jeex waxa lagu tiriyaa (ama lagu tirin jiray) in ay yihiin gobolo uu Xisbiga Kulmiye ku leeyahay taageerayaal rasmi ah, taageerayaal awood badan oo aan guur guurin.*

*Tusaale ahaan, doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadihii 2002, 2003, 2005, 2010 iyo 2017-kii, Xisbiga Kulmiye wuxuu Gobollada Togdheer iyo M/jeex ka soo hooyey guulo waaweyn oo taariikhi ah oo Xisbiga Kulmiye u suurto geliyey inuu hanto hoggaanka dalka laba jeer oo isku xiga.*

*FARRIINTA TOGDHEER IYO M/JEEX:*

*Doorashadii ina dhaaftay arrinta xiisaha lihi waxa ahayd in natiijooyinkii goleyaasha Wakiillada iyo Degaanka ee ka soo baxay Gobollada Togdheer iyo M/jeex ay noqdeen kuwo lama filaan ah. Natiijooyinkaasi waxay iftiimiyeen in Xisbiyada Qaranku ay u kala fara dhuubnayeen kasbashada kalsoonida codbixiyeyaasha Gobollada Togdheer iyo M/jeex, gaar ahaan goleyaasha Wakiilada iyo degaanka ee degmada Burco iyo barigeeda iyo degaanka degmada Hargeysa.*

*Labada Xisbi ee Mucaaridku kuraasta ay golaha Wakiilada ka heleen Gobollada Togdheer iyo M/jeex waxa weeyi 23 kursi (11 + 12), halka uu Kulmiye labadaa gobol ka helay 12 kursi (4+8) oo ah golaha Wakiilada.*

*Sidoo kale, labada Xisbi ee Mucaaridku kuraasta ay ka heleen goleyaasha degaanka ee Burco iyo Hargeysa isu geyntoodu waxa weeyi 20 kursi (9 + 11), halka uu Kulmiye ka helay labadaa degmo 10 (4+6) kursi oo ah golaha degaanka.*

*Haddaba, shaki kuma jiro in codbixiyeyaasha Gobollada Togdheer iyo M/jeex ay hadleen oo ay farriin cad u direen Xisbiga Kulmiye iyo Xumadiisa. Farriintani waa mid siyaasi ah oo leh miisaankeeda iyo saamaynteeda xagga loolanka siyaasadda, xilliga dhaw iyo xilliga dheerba. Farriinta ka timid labadii qalcadood ee ugu waaweynaa ee uu Xisbiga Kulmiye awal ku awood badnaa waa mid aan la dhayalsan karin nuxurka ay xambaarsan tahay. Farriinta ka timid Burco iyo Hargeysa waxay leedahay: “is bedele xaaladaha siyaasada ee Togdheer iyo M/jeex, waxna ma ahaanayeen sidoodii hore! Taageeradayada iyo codkayagana looma qaadan karo mid aan weligii is bedelayn ama meel u sii yaala cid gaar ah!!”*

*SAAMAYNTA SAAXADA SIYAASADDA DALKA:*

*Sida muuqata, heshiis ama is-afgarad siyaasi dhab ah oo dhexmara UCID iyo WADDANI wuxuu awood u siin karaa in ay si dhib yar ula wareegaan shir-guddoonka Golaha Wakiilada (21+31=52). Sidoo kale, haddiiba ay dhacdo in labada Xisbi Mucaarid ay kaga dhabeeyaan is-xulufaysigooda, kaasoo salka ku haya guulihii ay ka gaadheen doorashooyinka, waxay awoodi karaan inay hantiyaan maamulka dawladaha hoose ee Ceerigaabo, Laascaanood, Burco, Berbera, Hargeysa, Gabiley iyo Boorama. Waayo, isugeynta natiijada Xisbiyada Mucaaridka ugu soo baxday degmo walba waxay noqonaysaa aqlabiyad ay ku dhisi karaan maamulka degmooyinkan todobada ah!*

*XAGAY WAX KA QALDAMEEN?*

*Su’aalaha waaweyn ee ka soo baxday natiijooyinkii goleyaasha Togdheer iyo Maroodi-jeex waxa ka mid ah:*

*1) Siday ku dhacday in ay isa seegaan Kulmiye iyo taageerayaashiisu?*
*2) Siday ku dhacday in Kulmiye oo ah Xisbal Xaakim uu hadana lumiyo cudidii iyo taageeradii laxaadka lahaa ee uu ku lahaa Togdheer iyo M/jeex?*
*3) Ma jirtay isteraatijiyad cad oo ku wajahan doorashooyinka isku-sidkan oo u sii diyaarsanayd Xisbiga Kulmiye, min heer tuulo, degmo, gobol ilaa heer Qaran?*
*4) Ma jireen hagayaal, tilmaamo iyo hannaan taakulo oo joogto ah oo loogu tala galay awoodaynta Murashaxiinta Xisbiga ee goleyaasha si ay u kasban karaan kalsoonida codbixiyeyaasha degaanadooda?*
*5) Doorashadii 2017-kii ka dib, ma jirtay xog iyo warbixin sugan oo uu Xisbigu ka hayey dareenka iyo aragtida taageerayaashiisa oo la xidhiidha siyaasadda guud ee uu Kulmiye ku hoggaamiyo dalka?*
*6) Ayaa ka masuul ah natiijooyinka aan lagu farxin ee ka soo baxay Togdheer, Maroodi-jeex iyo meelo kaleba?*

*GUNTII IYO GEBAGABO:*

*Kolba sida uu Xisbal Xaakimku uga jawaabo su’aalahan, qaabka uu u waajaho xaqiiqada dhabta ah ee hortiisa taalla, iyo kolba sida uu Xisbigu diyaar ugu yahay in uu gudihiisa ku sameeyo isbedel u cuntama codbixiyaha ayay ku xidhan tahay dib-u-soo kabashada Kulmiye iyo inuu dib u hanto kalsoonida taageerayaashiisii awooda badnaa ee saldhiga iyo sababtaba u ahaa guulihii kala dambeeyey ee Xisbiga Kulmiye u suurto geliyey in uu hanto hoggaaminta talada dalka.*

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here