Talaalkii Caanka Noqday!

0
682

Mr.Maurice Ralph Hilleman wuxu ahaa nin aad ugu xeel dheer cilmiga barashada noolaha “Biology” oo ku qaatay takhsus sare, waxaana uu ku dhashay dalka Maraykanka sanadkii 1919. Mr.Ralph ayaa horumar ku sameeyay in la helo in ka badan 40 tallaalada xanuuno dadka dhib badan ku hayay oo noloshooda galaaftay.

Talaalada uu soo saaray ee nolosha muhiimka u aha cuduro badana lagaga hortago waxa ka mid talaalka jadeecada, talaalada Jooniska A iyo B, Xanuunka qoor gooayaha (meningitis),. Iyo Xanuunka caabuqa sambabada, ku dhaca.

Waxa kale Mr. Ralph Hilleman uu ka qayb qaatay helitaanka viruska kansarka ee loo yaqaan sv40. Dhakhtarkan waxa uu ku guulaystay in la siiyo bilada Qaranka ee dhinaca cilmiga sayniska ee dalka Maraykanka.

Waxaana loo aqoonsaday inuu yahay aqoonyahan badbaadin badan ku sameeyay nolosha bulshooyinka Aadamiga heerkaasi oo aanu gaadhin aqoonyahan kale 100 sano ee  u danbeeyay..  Dhakhtarkani wuxu ku dhintay dalkiisa Maraykanka sanadkii 2005. Aadamiga dadaalka bixiya waxa uu gaalla buugaagta tariikhda.

 

Leave a Reply