Isku dey Oo Tijaabo Waad Guulaysane! Fashilkuna Waa Cashar Muhiim Ah

0
493

Caalimka Cilmiga sarfiga ee luqada Carbeed laguna magacaabo Kisaa’i ayaa markii uu ku jiray barashada cilmigan sarfiga (morphology) aad iyo aad ayuu ugu adkaaday, waxaana uu go’aansaday inuu iskaga hadho oo uga wareego cilmiyada kale.

Haddaba isagoo maalin socod ku jira ayuu arkay qudhaanjo shay culus sidata oo la koraysa gidaar dheer, oo kolba soo dhacaysa marka ay meel dhexe gaadho, haddana dib u qaadaysa oo la koraysa. Sidii ay u daala dhacaysay markii danbe ay ku guulaystay ina midhihii ay sidatay la fuusho gidaarkii dheera.

 

Imaam Kasaa’i wuu eegayay intii ay qudhaanjadu dadaalka ku jirtay. Halkaasi ayuu ka qaatay casharka ah in aanay jirin wax adagi laakiin uu jiro dadaal yari.

Maalinkii wixii ka danbeeyay dadaalkii cilmigaasi ayuu galay ilaa maanta uu ka mid yahay culimada cilmigan loogu noqdo, waxaana uu leeyahay dariiqooyin cilmigan ah oo uu isugu alifay una gaar ahm mad-hab cilmigan ah oo u gaar ah. Haddaba dadaalka iyo go’aanka adag oo Allah lala kaashado ayaa ah muftaaxa guusha , itaalkaagu haba noqdo mid qudhaanjo la mide.  Hadaad guulaysato waxa ay kuu tahay faan, haddii aad fashilantan waxaa baran gefafkaaga.

 

Leave a Reply