Fikirka Riyaadaada Waaqaca Ka Muuji!

0
469

Walt Disney  wuxu ahaa ganacsade iyo filim soo saare Maraykan ah oo ku dhashay sanadkii 1901 Chicago, waxaana uu ka shaqayn jiray wargeysa dalkaasi ka soo baxa. Agaasimaha wargeyska ayaa shaqada ka eryay isagoo sheegy in aanu lahayn curinta fikrado cusub oo lagu horumarin karo wargeyska iyo sheekooyin mala awaal ah oo xiiso leh.

Laakiin Walt markii taasi ku dhacday muu quusan wuxuuna goostay inuu noqdo qof leh curinta sheekooyinka khayaaliga ee filimada laga sameeyo inkasta oo uu marar badan ku fashilmay .

Laakiin  Walt ugu danabaystii wuxu curiyay sheekadii uu ku caan baxay ee filimka laga dhigay ee la odhan jiray Barafka Cad “ Snow White” .

Maanta Mr.Walt isagoo dhintay sanadkii 1966 haddana shirkaddiisa  Walt Disney Company waa tan  dunida ugu horaysa sheekooyinka khayaaliga ah ee la xiiseeyo filimadana laga sameeyo dunida oo dhan.

Qofka aadmigu ma jirto waxaanu samayn Karin keliya waa dadaal iyo in aanu niyad jabin marka uu ku fashilmo.  Waxaana uu yidhi :” Haddii aad wax k riyooto, waad samayn kartaa inaad gaadho”. Xikmaduna waa “ Marna Rajada gaadhidu yaanay kaa lumin”.

Leave a Reply