Xikmadaha

0
594

“Dhamaan taariikhda dalal badani waxa ku dhacay guuldaro dhinaca dhaqanka ah, laakiin taasi weligeed maaha calaamadda dhammaadkii qarankaasi. Laakiin marka waddanku uu noqdo dhibbane ay asiibtay guuldaro maskaxeed, taasi ayaa tilmaamaysaa dhamaadka waddan ama Qaran” .

“ Ku dayashada khariban ee dadkii hore maaha inay iyagu soo noolaadeen laakiin waxay ka dhigan tahay inay kuwo nooli dhinteen”
“ Wakhtiga tegay iyo mustaqbalku waxay isugu eeg yihiin si ka badan siday isu eeg yihiin dhibcaha roobka”. Xikmadaha qoraalada caalimka Abu-Zaid, A/rahman Ibnu Khaldun

  • Haddii aad mar kasta ka cadhooto wax kasta oo aan ku raalli gelin weligaa nolol degan helimaysid.
  • Wanaagga iyo Khayrka minjo u noqo, laakiin sharka madax ha u noqon.
  • Marka aad saaxiibka ku caawiso fuulidda buurta, adiguna waad ku xigi..
  • Ogow dunida in runtu tahay mar kasta mid aan la faafin.
  • La fadhiiso dadka caqliga badan, xitaa haddii ay yihiin cadawgaaga, waayo caqligu caqliga ayuu la hadlaa.
  • Qofka oo naftiisa ka hela, qabkiisana ku qancaa waa tilmaanta nacasyada lagu garto.
  • Nacasyadu dadka ayuunbay faaleeyaan.
  • Qofka ka aflagaado badan, bar dulqaadka, waayo qof kastaa waxa uu hayo ayu bixiya.

 

 

Leave a Reply