Mushkuladda Saxmadda Gaadiidka

0
436

Markii cidhiidhiga wadooyinka iyo saxmadda gaadiidku ku bateen magaalada caasimadda u ah dalka Thailand Bangkok, waxay keentay taasi dhibaato ah in hooyada foolanaysa ay dhexda ku dhasho iyadoon haysan adeegyadii caafimaadka.

Arintaasi ayaa keentay in la siiyo tababar umuliso ciidanka taraafikada ah gabadhaha iyo raga ka tirsan kuwaasi oo loogu talo galay inay arimahaasi wax ka qabtaan.

Gabadh ka tirsan ciidanka Booliiska wadooyinka oo 26 sano jirtay ayaa sheegtay in 150  booliiska ah loo tababaray hawshaasi.  Gabadhan ayaa intaasi ku dartay in hooyooyinka gaadhaya 1300 ay dariiqa kaga umuliyeen intii ay qaateen tababarkaasi, ka dib markii gaadiidka kala xidhmeen (traffic jams.). Waxaana tani ay fududaysay dhibaatadii hooyooyinka ka haysatay cidhiidhiga wadooyinka oo aanay u suurtageli jirin inay ku umusho Isbitaalka.

Leave a Reply