Biriishka Dhimishada Ee Maraykanka!

0
498

Waxaa wakhtigan caan aad u noqday biriishka  Bridge Golden Gate ee ku yaalla San Francisco, dalka Maraykanka , Buudadan ayaa noqotay kuwa ugu soo jiidashada badan dunida ka dib markii ay caan ku noqotay dadka iyagu iskood nafta isaga jaraya inay isticmaalaan.

Waxay ahayd goob la isku miidaamiyo oo in ka badan 1500 qof ayaa iskood isugu dilay labaatankii sano ee u danbeeyay, oo dhamaantood iska soo tuuray figta sare ee biriishkan oo dhulka u jirta 75 Mtr. Dadka badankoodu waxay u dhintaan marka ay ku dhacaan gidaarada barafka ah ee sida dhagax u adag, halka ku kale ay u dhintaan qabowga biyuhu.

 

Waxay noqotay arin cajiib ah in dadkan oo dhami iyagoo naftooda dilaya ay haddana iska soo tuuraan goobtan oo haddana weliba  isku goob keliya caadaystay.

 

Waxa haddaba arinka biriishkan ka dhigay mid yaab badan markii ay bilaabeen inay Eyduna intay halkaasi koraan ay iskood iskaga soo tuuraan oo ay nafta iska jaraan. Arinta dadka ka yaabisay ah in Eyduna go’aansato inay iskood nafta isaga goyaan, inkasta oo aan weli la cadayn sababta arimahani keenaysa.

 

Leave a Reply