Deegaan Dad Naafi Oo Keliya Ku Nool Yihiin!

0
377

Deegaanka Biingaala ee dalka Indoniisiya ayaa ah mid ay dadka badankiisu aanay  dhegaha waxba ka maqal oo dhego culus. Bulshadan ayaa adeegsata tilmaamaha gacmaha ee dhegoolayaasha. Barashada luqada gacmaha ayaaa tuuladana ka noqotay mid daruuri ah oo  aanay ka maarmi Karin si ay isu fahmaan dadka kale.

 

Dakhaatiirta ayaa sheegay in dadka deegaankan uu ka maqan yahay  dareen wadaha loo yaqaan  “PDF NBA 3” recessive oo ah kan qaabilsan maqalka codka. Dadka deegaankan oo tiradoodu dhan tahay 3000  qof ayaa iyagu u arka arrin wanaagsan dhego la’aanta. Waxayna adeegsadaan luqadaasi tilmaamaha oo ay u yaqaaniin Katakaluk waana mid caan ka ah dhexdooda. Waxaana la baraa caruurta luqadan. Bulshadan ayaa u aaminsan in dhego la’aanu ay tahay nimco weyn oo la siiyay.

Leave a Reply