Qore Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Hargeysa (Dawan) Doorashooyinkii isku-sidkanaa ee 31.05.2021 ka dhacay Somaliland, waxa ka soo bacay dhacdooyin cusub oo xiisa leh oo la xidhiidha hab-dhaqanka codbixiyeyaasha iyo qaabka ay Xisbiyada Qaranka ugu codeeyeen. Gaar ahaan codbixiyeyaasha ka soo jeeda Gobollada Togdheer iyo M/jeex oo uu Xisbal Xaakimku ku awood badnaa waxa cad in farriin siyaasi ah oo muhiim ah ay u direen Xisbiga Kulmiye.
Fariinta ka timid Gobollada Togdheer iyo M/jeex waa mid siyaasi ah oo saamayn weynbku leh saaxada siyaasadda dalka. Togdheer iyo M/jeex oo ah laba gobol oo ay ku xidhan tahay guusha iyo guuldarrada xisbiyada Qaranku, farriinta ay direen codbixiyeyaasha labadan gobol waxa loo fasiri karaa sidan: “is bedele xaaladaha siyaasada ee Togdheer iyo M/jeex, waxna ma ahaanayeen sidoodii hore! Taageeradayada iyo codkayagana looma qaadan karo mid aan weligii is bedelayn ama meel u sii yaala cid gaar ah!!”
Waa xaqiiq in doorashooyinkii dalka ka dhacay ay weji kale u yeeleen guud ahaanba loollanka saaxada siyaasadda dalka. Tusaale cad oo horteena yaalla waxa inoogu filan labadan arrimood:
(1) Loollanka Awooda ee ka dhex taagan Xisbiyada Qaranka ee la xidhiidha Goleyaasha Sharci Dejinta ee Degaanada iyo Wakiilada.
(2) Doorashooyinkani waxay si cad u iftiimiyeen in awooda ugu dambaysa ay leeyihiin codbixiyeyaashu taasoo ay Xisbiyada Qaranka kii ay doonaana ka codayn karaan, kii ay doonaana ay u codayn karaan.
Waan aaminsanahay in Xisbiga Kulmiye uu yahay xisbi in badan soo jiray, waayo arag ah oo awood u leh in uu si degdeg ah uga soo kabto dhaawacyadii ka soo gaadhay doorashooyinkii ina dhaafay.
Haddaba:
• Hadii Xisbiga Kulmiye uu doonayo in uu dib u kasbado kalsoonida taageerayaashiisii Xisbiga ka codeeyey gaar ahaan Togdheer iyo M/jeex,
• Hadii Xisbiga Kulmiye uu doonayo in uu bedbaadiyo taariikhdiisa shilis, wax qabadkiisa kow-iyo-toban jirsaday iyo kalsoonida shacabka Somaliland,
• Hadii Xisbiga Kulmiye uu doonayo in uu ka gudbo carqaladaha horyaala una diyaar garoobo loollanka wejiga cusub leh ee siyaasadda,
Waa lagama maarmaan in Xisbiga Kulmiye uu qaado labadan talaabo:
1. Waa lagama maarmaan in uu Xisbiga Kulmiye ku dhiirado in uu runta iyo xaqiiqada jirta dadkiisa u cadeeyo. Runtu waa mid anfacaysa Xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashiisaba. Marka uu Xisbigu si waafiya u fasiro wixii Xisbiga ka qaldamay doorashadii ina dhaaftay, waxay niyadsami, hiraal iyo dhiirri gelinba u tahay taageerayaasha daacada u ah Xisbiga Kulmiye.
2. Waa lagama maarmaan in uu Xisbiga Kulmiye la yimaado qorshe cad, hadaf iyo himilo siyaasadeed oo ku wajahan la jaan-qaadka wejiga cusub ee loollanka siyaasada mustaqbalka dhaw iyo ka dheer.
GEBAGABO:
In aad khaladkaaga qirato maaha calaamad ama sifo muujinaya liidnimo, laakiin waa sifo iyo sawrac quman oo hoggaamiyenimo. Khaladkaaga oo aad qirataa waxay halbeeg wacan iyo tusaale sax ah u tahay bisaylka siyaasiga ah ee uu masuulku oggol yahay in lagala xisaabtamo wixii khalad ah ee yimaada.
Guntii iyo gebagabadii, waxaan aaminsanahay in la gaadhay xilkigii hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye uu waajihi lahaa runta iyo xaqiiqada hortiisa taalla. Waxa la gaadhay xilligii uu Xisbal Xaakimku wax ka baran lahaa casharada culus ee ka soo baxay doorashooyinkii dalka ka dhacay, isla markaana uu u bedeli lahaa isteraatijiyad cad iyo itijaah siyaasi ah oo Xisbiga u adeegaya.
Ugu dambayntii waxa la gaadhay xilligii Xisbiga Kulmiye lagu samayn lahaa dib u habayn iyo isbedel hor leh oo uu Xisbigu kaga soo kaban karo guuldarooyinkii dhacay sidoo kalena uu mar kale ku soo jiidan karo quluubta taageerayaashiisa awooda badnaa.