Maxkamada Gobolka Awdal Ayaa Dhaarisay Xildhibanada Cusub Ee Golaha Degaanka Degmada Borama.

0
513

Hargeysa (Dawan) – Waxa saaka xubnaha golaha degaanka ee degmada Boorama dhaariyay Sheekh Maxamed Siciid Samaale oo ka tirsan maxkamada gobolka Awdal.

Ugu dambayn gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) ayaa hadal kooban oo u jeediyay xubnaha cusub ee golaha degaanka ee degmadaas ku sheegay in xubnahaas hadda uu saaran yahay xil wayn, oo bulshada ku nool degmada Boorama u dooratay, isagoo Alle uga baryay in ay xilkaas u gutaan si masuuliyadi ku jirto, kana shaqeeyaan horumarka bulsahda ku nool degmada ay matalaan.

Ugu dambayn guddoomiyaha gobolka Awdal wuxuu xubnahaas ku wargeliyay in maalinta beri ah ay yeelan doonaan fadhigii ay ku dooran lahaayeen maayarka iyo ku-xigeenka cusub.

Leave a Reply