Xoghayaha Guud Guddida Olombikada Somaliland ayaa ka Warbixiyey Dadaalo ay ku Dardargalinayaan Howlaha Ciyaaraha Olombikada ee Dalka.

0
376

Hargeysa (Dawan) – Cali Fagaase Xuseen xoghayaha guud guddida Olombikada Somaliland oo u waramaayay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegay in ay jiraan dadaalo ay kor ugu qaadayaan ciyaaraha Olombikada Somaliland, waxaanuu intaas ku diray in ay dhawaan shaacin doonaan tartano kala duwan oo ay ka qaban doonaan caasimada.

Cali Fagaase Xuseen waxa kale oo uu sheegay in ay tartano kala duwan oo dhanka ciyaaraha ah ay u qaban doonaan dadka naafafada ah ee ku nool caasimada Hargeysa, kuwaas oo u jeedada laga leeyahayna ay tahay in kor loo qaado xirfadaha dhanka ciyaaraha ee dadka naafada ah, iyagoo ku tartami doona noocyo kala duwan oo dhanka ciyaaraha fudud ah.

Ugu dambayn Xoghayaha guud Guddida Olombikada Somaliland Cali Fagaase wuxuu masuuliyiinta wasaaradda ciyaaraha ku bogaadiyay dadaalka dhanka harumarinta ciyaaraha ah ee ay wadaan, gaar ahaan tartanka horyaalka naadiyada kala duwan ee ka dhisan caasimada Hargeysa, kaas oo ka socda garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, oo hadda meel fiican maraaya.

Leave a Reply