Taariikhda Madow Ee Caafimaadka Iyo !

0
589

Aqoontii gaabnayd ee cilmiga caafimaadka ee Yurub iyo Maraykanka ka jirtay ayaa horseeday qarnigii 19aad inay caan ka noqdaan goobo cilaajyo ah oo ay haystaan kooxo sheeganaya inay yihiin kuwa dadka ka dawaynaya xanuunada hku dhaca nooc kasta oo ay yihiin.

Cilaajyadaasi waxa ka mid ahaa mid dalka Maraykanka ay ka furatay islaan lagau magacaabi jiray Barfield Hazzard. Waxba kamay aqoon cilmiga caafimaadka laakiin waxay ka faa’iidaysatay sharcigii iyo nidaamkii aan adkayn dalkaasi Maraykanka oo wakhtigaasi kala dhantaalaa. Sababtaasi ayaa keentay inay iskeed ugu shaqaysato khurafaad ay aaminsanayd iyo aqoondaro caafimaad horaantii sanadkii 1900.

 

Astaanta halkudhiga dewaynteeda ayaa ahaa “ Gaajada aya bogsiisa xanuunada”. Waxay cuntada u diidi jirtay bukaanada iyadoo u ogalayd oo keliya wax yar oo tamnaadho cas ah iyo maraq dhir lagu daray.   Xaqiiqdii waxay aaminsanayd in gaajadu ay jidhka ka baabiinayso dhamaan sunta iyo xanuunada ku jira.

Waxay ahayd arrin laga xumaado in bukaano badani oo ka cabanayay gaajo inay la ildaran yihiin aanay u ogolaan raashin ilaa ay naftu kaga baxday oo ay u dhinteen gaajadii.

Sanadkii 1902 ayuu Bukaankii u horeeyay gaajo ugu dhintay xarunta, laakiin waxay ku guulaysatay inaan garsoorka iyo maxkamadaha loo gudbin iyadoo loo aaminsanaa inay caafimaadkiisa ka shaqaynaysay.

Mudadaasi wixii ka danbeeyay iyada ayaa fasax u heshay cilaaj gaar ah, waxaana xarunta cilaajkeeda gaajo ugu dhintay 40 qof. Waxa kale oo ku jiray bukaan isna wakhtigaasi u dhintay rasaas madax kaga dhacday oo ilaa maanta kiiskiisu yahay hal xidhaale aan la fahmin.  Islaanta Hassard ayaa ku dhalatay Minesota sanadkii 1867, waxaana ay dhimatay sanadkii 1938 iyadoo iyada laftigeedu gaajonaysa oo ka soontay raashinka si ay caafimaado, gaajadaasi ayay sabab u noqotay dhimashadeeda.

Dadka aan aqoonta caafimaad lahayn waxa ay ku abuuraan bukaanka mushkulad ka sii weyn dhibta haysata.

 

Leave a Reply