Somaliland iyo Taiwan oo kala Saxeexday Heshiis caafimaad

0
622

Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa (Dawan):- Somaliland iyo Taiwan ayaa kala sexeexday heshiis caafimaad oo dib loogu casriyaynayo cisbitaalka guud ee Hargeysa, isla markana lagu keenayo dhakhatiir Taiwan u dhashay.
Warbixin laga soo saaray heshiiska ayaa lagu yidhi” Heshiiskan waxa si weyn loogu casriyeyn doonaa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, Sidoo kale waxa Cisbitaalka ka hawl-geli doona dhakhaatiir waaweyn oo dalka Taiwan ka socda oo si rasmi ah uga shaqayn doona Cisbitaalka”.

Labada dhinac ayaa sidoo kale kala sexeexday in Taiwan ay tababarto boqolaal howl wadeeno caafimaad ah isla markaana maal geliso dhismayaal cusub oo lagu kordhin doono cisbitaalka wayn.

Waxa kale oo lagu heshiiyay in Taiwan ay ka shaqayso horumarinta caafimaadka guud ee Somaliland.

Wajiga koobaad ee heshiiska ayaa socon doona muddo 5 sano ah kadibna dib u cusboonaysiin ayaa lagu samayn doona.

Dhinaca Somaliland waxa heshiiska u saxeexay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibedda Libaan Yusuf Cisman dhinaca Taiwan na wasiirka arrimaha dibada Joseph Wu.heshiiska caafimaad ee ay kala saxeexdeen wasiirada arrimaha ddibedda ee Somaliland iyo Taiwan waxaa goob joog ka ahaa wasaaradaha caafimaadka ee labada dal,iyadoo labada wasiir ay habka muuqaal aragga fog ah ku kala saxeexdeen heshiiska caafimaad ee labada dawladood qalinka ku wada duugeen.

Leave a Reply