Dawladda Norway Oo Somaliland Ka Fulinaysa Mashaariic Horumarineed Oo Kala Duwan

0
911

“Xafiiskaasina wuu furmayaa Coronavirus-ka ayaa dib u yara dhigay laakiin way tegeen Somaliland waanay ka soo noqdeen.”Danjire Maxamed Aadan

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Oslo (Dawan):-Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Norway Maxamed Aadan Liinan, ayaa sheegay in dawladda Norway ay mashaariic horumarineed oo fara badan ka fulinayso Somaliland.
Waxaanu tilmaamay in dawladda Norway ay ballan qaadday in ay dib u soo celinayso qaadhaankii ay kaga qayb qaadan jirtay sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF.
Maxamed Aadan Liinan, waxa uu xusay in xafiiskoodu uu muddooyinkan danbe gaadhay guulo diblomaasiyadeed oo kala duwan.
Guulahaasi oo ay ka mid ahaayeen in danjire Liinan, uu dhawaan ka qayb galay shir lagaga hadlayay dimoqraadiyadda adduunka iyo dhibaatooyinka soo wajahay oo ay ka mid tahay in dalal badan oo caalamka ahi ay ka leexdeen dariiqii dimoqraadiyadda.
Waxaanu sheegay in shirkaasi uu ka jeediyay hadal la xidhiidha heerka ay Somaliland ka gaadhay dimoqraadiyadda iyo guulaha ay ka gaadhay dhinaca doorashooyinka.
Maxamed Aadan Liinan, waxa uu tilmaamay in ay sidoo kale ku tallaabsadeen sidii ay ula xidhiidhi lahaayeen xafiiska arrimaha dibedda u qaabilsan dalka Norway iyo hay’addo kale oo ka tirsan dawladdaasi.
Kuwaasoo ay ka dhaadhiciyeen sidii ay qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland uga qayb qaadan lahaayeen, isla markaana ay uga qayb qaadan lahaayeen mashaariicda dhinaca horumarka ee ka socda Somaliland.
Wuxuu sheegay in Somaliland laga fulin doono mashaariic horumarineed oo ay maalgelinayso dawladda Norway. “Waxaanu kulamo badan la yeelanay hay’adda NIS (Nordic International support foundation), oo ah hay’ad Laydhka Solarta ah gelisa. Goboladda Bariga Somaliland ayay ka bilaabeen, imikana Galbeedka ayay ku sii socdaan. Mashruucaasina waxaa maalgelinaysa dawladda Norway.
Waxaan dhawr jeer la kulmay xafiiska la yidhaahdo Oslo center, oo uu ka madax yahay raysal wasaarihii hore ee Norway. Waxa ay ka furanayaan wadankeenna xafiis, xafiiskaas oo ka shaqayn kara, sidii loo tababari lahaa dadka siyaasadda ku hawl leh, ama axsaabta siyaasadda xubno ha ka ahaadaan, dad kale ha ahaadaan, sida qaybaha kala duwan ee bulshadda, sida dumarka iyo meelihii kale ee u baahan ba.
Markaa xafiiskaasina wuu furmayaa, insha ALLAAH. Xannuunka Coronavirus-ka ayaa dib u yara dhigay.
Laakiin, way tegeen Somaliland, waanay ka soo noqdeen” ayuu yidhi Maxamed Aadan liinan, oo hadal ka jeediyay kulan ay magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway ku yeesheen jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaa ku nool.
Geesta kale, danjire Liinan, waxa uu ka warbixiyay shirar caalami ah oo uu danjire Liinan, ka qayb galay, kuwaasoo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Raysal-wasaareyaashii hore ee dawladaha Ingiriiska iyo Norway.
“Isla xafiiskaasi waxa uu qaban qaabiyay shir caalami ah. Shirkaasi oo ku saabsanaa dimoqraadiyadda caalamka, (international democracy). Dad 300, oo qof ahaa ayaa ka qayb gelayay. Kadib markii aan waraaq u diray, ee aan ka waramay Somaliland doorashooyinkii ay gashay, iyo sida ay wax u maamulayso, waxaa la ii ogolaaday, in aan ka soo qayb galo shirkaasi.
Khudbadii ugu muhiimsanayd waxaa shirkaa ka jeediyay Raysal-wasaarihii hore ee dalka UK Mr. Golden brown, oo si weyn uga hadlay dimoqraadiyadda adduunka iyo dhibaatooyinka maanta haysta dimoqraadiyadda.
Sidii loo horumarin lahaa waxyaabaha ay ka baqayaan in ay dimoqraadiyadda ku dhacdo, ayuu shirkaasi ku saabsanaa. Waxa kaloo shirkaasi hadal ka jeediyay madax fara badan, oo uu ka mid ahaa Raysal wasaarihii hore ee Norway, Mr. Bonvic, oo aad ugu dheeraaday mawduuca laga hadlayay ee la xidhiidhay dimoqraadiyadda, iyo dhibaatooyinka maanta haysta dimoqraadiyadda adduunka. Haweenayda madaxda ka ah xafiiska Oslo center, Ms, Karolina Olofsson,”.
Danjire Liinan, waxa uu sheegay in dawladda Norway ay u ballan qaaday in ay dib u soo celinayso dhaqaalihii ay kaga qayb qaadan jirtay sanduuqa horumarinta Somaliland SDF, kaasoo ay hakisay kaalmadii ay ku bixin jirtay.
“Guulaha aan is leeyahay way idiin hirgaleen inta aan xilka hayay, waxaa ka mid ah in Norway ay ku noqonayso, oo ay na soo ogaysiiyeen in ay ku noqonayaan, sanduuqii la odhan jiray, Somaliland development fund. Sanduuqaasi oo wax badan ka tara horumarka Somaliland”.
Waxa kaloo uu ka hadlay doorkii ay xafiis ahaan ka qaateen doorashooyinkii dhawaan ka qabsoomay Somaliland oo ay dawladda Norway u soo dirtay goob joogeyaal.
Waxaanu yidhi, “Waxyaabaha kale ee aan ka hawl galnay, waxaa ka mid ah in doorashooyinkii dhawaan Somaliland ka qabsoomay aanu u dirno goob joogeyaal. Wakiil walba waxaa laga codsaday in wadanka uu joogo uu goob joogeyaasha ka soo diro. Halkan Norway way ka tegeen, warbixin fiicanna way nagu soo celiyeen.
Waxaa hoggaaminayay deputy prime minister-ka Norway u fadhiya Nairobi, koox baanay ahaayeen.”
Dhinaca kale Maxamed Aadan Liinan, ayaa tilmaamay in mudadda labadda sannadood ah ee xilka uu hayay in waxyaabaha u qabsoomay ay ka mid tahay addeegyadii ay kala shaqeeyeen jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Norway ku nool oo ay ka gacan siiyeen waxyaabo ay u baahnaayeen.

Leave a Reply