“Waxaan Hambalyo Hawada u Marinayaa Guud Ahaan Carruurta Qaarada Africa”

0
818

Qore Cabdillaahi Xuseen Cisman

Ugu horrayn waxaan hambalyo hawada u marinayaa guud ahaan carruurta qaarada Africa, munaasibada maalinta carruurta Africa awgeed oo ku beegannayd 06/16/ 2021, markaan salaanta iyo hambalyada intaa ku dhaafo waxaan u rajaynayaa Mustaqbal qurux badan dhamaanba carruurta qaarada Africa.
Waxay ahayd hilaaddii 6/16/1998-kii, markii ugu horraysay ee aan ka qayb galo bandhig faneed aad u heer sareeya oo lagu qabtay garoonka Tima-cadde ee magaalada Hargaysa oo lagu xusayey maalintaa qaaliga ah ee carruurta Africa.
Sideedaba bisha lixaad dalka Somaliland waxaa ka dhacda dabaysha xagaaga oo aad u awood badan, laakiin wixii ka dambeeya salaada casar way istaagtaa dabayshaasi dabadeed. falaadhaha cadeeda oo aad u qurux badan ayey dhinac galbeed cadeedu magaalada uga soo dirdaa, waa wax aanan wligay ilaawayn waana markii iigu horraysay ee dad aad u tiro badan hortooda aan ku soo bandhigo masrixiyad, waxaan ahaa galaaslka ka saddexaad ee dugsiga hoose dhexe waxay ahayd xusuus aan marna noloshayda ka hadhin waxay ahayd maalin qurux badan.
Waxaan ka tirsanaa kooxda qalaama rogodka ee Havoyoco waxaan ka xusi karaa halkan Xoogsade, Abdishakur, Ina Obolos Shumburo Jigjijaan Cabdi Kariim Ahmed Mooge Liibaan, Cumar Sheekh Gadh Wayso, Abwaan Ahmed Aw Geedi, qofba door uu ku lahaaba, waayaha aduunka ayaa na kala raray oo qofba meel ku tuuray sannad walba tan iyo maalintaa marba si aan u xusaba waan xusaa, waxaa jira boqolaal carruura oo maalin walba daryeel la’aan ugu dhimanaya qaarada Africa, waxaa jira boqolaal Askar laga dhigo, waxaa sidoo kale jira boqolaal hablood oo aan da’da guurka gaadhin oo aduun lagu badasho oo lagu qasbo rag aabayaashood leeg, qaar kale waxaa loo gaystaa tacadi iyo kufsi mana helaan daryeel.

Waxaan in badan ka soo shaqeeyey barnaamijdka daryeelka caruurta (Child Protection Issue) waxaanu wada shaqayn lahayn hayada Save The Children iyo wasaarada Shaqada iyo arimaha bulshada iyo UNICEF oo dhinaca, waxaan ahaa anigu xubin ka mida bulshada rayidka ah waxaan u rajaynayaa dhamaanba caruurta qaarada Africa mustaqbal qurux badan iyo nolol dhaanta ta ay maanta ku nool yihiin

Leave a Reply