Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in ay Waraaqo u kala dirtay caalamka

0
484

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Somaliland ay waraaqo u dirtay caalamka si loo iib geeyo doorashooyinkii qabsoomay dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in doorashooyinkii Somaliland ka dhacay uu caalamku aad u amaanay sida darteedna caalamka laga iibin doono.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Warbixin ay dowladaha Yurub oo dhami doorashada ka soo saareen, aad iyo aad ayay u amaaneen.

Dowladaha gobolkan oo qaar kood doorasho ka qabsoomi doonto waxa lagu yidhi ‘waa in aad qabataaan doorashooyinki Somaliland oo kale’”.

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray “Dowladu hadda waraaqo ayay uwada qortay dhammaan hay’addaha caalamiga ah, sida Qaramada midoobay, Jamacada carabta, Midowga Africa iyo Igad”

 

Leave a Reply