Waxqabad Noocee ah ayaa looga Fadhiyaa Maayarka Cusub ee Caasimadda Hargeysa?

0
644

Qore: Cumar Maxamed Faarax

 

Hargeysa (Dawan) Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa ee la soo doortay, ayaa maanta duqa Magaalada u doortay Cabdikariin Axmed Mooge, halka ku xigeenkiisana loo doortay Khadar-Nuur.

Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka cusub ee caasimaddu, waxay noqonayaan Golihii saddexaad ee ummmadu soo doorato ee Goleyaasha Deegaanka dalka, tan iyo 15kii December 2002dii oo ahayd xilligii ay doorashadii ugu horreysay ee Golayaasha deegaanku ka qabsoontay Jamhuuriyadda Somalland.

Maayarka caasimada Hargeysa oo ka soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, wuxuu ahaa xildhibaankii ugu codka badnaa ee marka la iskudaro labadii doorasho ee isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Dawladaha Hoose ee dalka oo dhan, waxaanu u coddeeyey in ka badan 26 Kun oo codbixiye oo sida aan qabo ku raacay balanqaadyadiisii sannadkii u dambeeyey oo dhan uu ka sheegi jiray fagaareyaasha iyo Warbaahinta ee ahayd ‘Waxaan ka shaqeynayaa Hargeysa oo qurxoon isla markaana cagaaran.’

Maayarka caasimadda iyo Ku-xigeenkiisu waxay xilka ku qabteen si aqblabiyad ah, iyadoo aanay jirin cid isla sharraxday, waxaanu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku guulaystay inuu ka dhex odayeeyo, waxaanu ka reebay Maayarkii hore Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo doonayey inuu markii labaad u baratamo duqa Caasimada Hargeysa.

Maayar Cabdikariin Axmed Mooge iyo Ku-xigeenkiisu waxay noqonayaan Maayarkii iyo Maayar ku-xigeenkii aqlabiyada badan Golahoodu ku soo doorteen.

Waxase horyaala hawlo baaxad leh oo u baahan inay ka soo dhallaalaan muddada ay xilka hayaan.

Waxa ugu horeeya inuu dib u habeyn ku sameeyo maamulka dawladda Hoose ee Hargeysa islamarkaana maamul-daadejin ka hirgeliyo dawladda Hoose ee Caasimadda.

Qaybyooyinka jira waxa ka mid ah; inuu wax ka qabto mushaharka shaqaalaha dawladda hoose oo muddo dhaafa iyo inuu jiil dhallinyarro ah oo wax bartay ku soo kordhiyo Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Waxyaabaha kale ee u yaalla waxa ka mid ah inuu dib ugu noqdo saacadaha shaqada Dawladda Hoose, si dadweynuhu u helaan adeeg hufan oo wax ku ool ah.

Maayarka cusub ee caasimada, waxa kaloo lagu shirabi doonaa sida uu uga jibo keeno bilicda Magaalada Hargeysa oo ka mid ahayd balanqaadyadiisii taxanaha ahaa, maanta oo la doortayna uu mudnaan weyn siiyey. Sidaas si la mid ah waxa kaloo Golaha Deegaanka iyo Maamulka ay doorteen la gudboon inay casriyeeyaan nashqada magaalada Hargeysa ee qadiimiga ah.

Golaha deegaanka Hargeysa, waxa iyagana xil ka saaran yahay inay si wadar ah ula shaqeeyaan oo kalsoonida ay siiyeen Maayarka iyo Maayar Ku-xigeenka cusub kula shaqeeyaan, kulana xisaabtamaan.

Waxa Golaha looga baahan yahay inay dib u eegis ku sameeyaan qorshihii hore ee maamulka ay xilka kala wareegeen u dhigeen caasimada oo wixii wax ku-ool ah ay ka qaataan.

Shacabka caasimadana, waxa horyaala inay u hagar baxaan oo ay siday tahay u bixiyaan cashuuraha ku waajibay oo la’aantood aanu maamulka maamulka cusubi tallaabo qaadi karin iyo inay wakhti siiyaan maayarka ay janteen ee la doortay.

Ugu dambayn, waxaan ku soo gabogabaynayaa Maayar ugu gurmo oo ugu adeeg magaalada siday codka iyo taageerada kuugu gurmadeen, iyadoo dadweynuhuna daqiiqad iyo saacad kasta ay indhaha ku hayn doonaan waxqabadkaaga.

Leave a Reply