Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan ayaa Farta ku Fiiqay Waxyaabaha ugu Mudan ee Doorashadii dalka ka Dhacday laga bartay

0
530

Hargeysa (Dawan) Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed, kana mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa sheegay in waxyaabaha doorashadii dalka ka qabsoontay 31-kii May laga bartay  ay ugu mudan tahay in xisbil xaakimka laga badin karro oo uu aqbali karno.

Sidoo kale waxaa uu xusay in aanay dhici jirin in xisbil xaakim dal hasya laga badiyo oo uu soo dhaweeyo, isla markaana uu madaxweynuhu asxaabtii mucaaridka raggi ka soo baxay uu u sharaxo maayiro.

Dhanka kale waxa uu xusay in arrintani ay tahay dhif iyo naadir, in sidan oo kale ay caalamka uga dhacdo doorasho tano kale ahi.

Xildhibaan  Suldaan Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Doorashadii dalka ka qabsoontay 31-kii May, waxaa aan ka baran karnaa in xisbil xaakimka laga badin karro oo uu aqbali karnaa iyadana, may dhici jirin in xisbil xaakimka dal haysta laga badiyo oo uu soo dhaweeyo oo waliba qaabilo madaxweynuhu asxaabtii mucaaridka raggi ka soo baxay, isaga oo u sharaxaya maayiro, waa wax innagu cusub oo aan ka baran karno,”

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed Xuquuqda Sawirka Wargeyska Dawan

Leave a Reply