Wefti uu Hoggaaminaayo Guddoomiyaha gobolka Xaysimo oo Gaadhey Magaaladda Xalin ee Gobolka Xaysimo.

0
546

Taleex (Dawan):-Wefti balaadhan oo ay hogaaminayaan Badhasaabka gobolka Xaysimo iyo maayirka degmada Taleex ayaa gaadhey magaaladda Xalin oo ka tirsan gobolka Taleex.

Weftigan oo ay sidoo kalena kamid ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka gobolka Xaysimo, maayir ku xigeenka degmada Taleex,Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Sool iyo xildhibaanadda cusub ee degmada Taleex dhowaan loo doortay ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaaladda Xalin,iyada oo ay dadka magaaladdaasi caleemo qoyan kusoo dhoweeyeen.

Waxa ugu horeyn dadweynaha magaaladda Xalin la hadlay, soona dhoweeyey weftigan Maayirka magaaladda Xalin oo ka warbixiyey xaaladda magaaladda iyo sida ay usoo dhoweynayaan weftigan.

Dhinaciisana Badhasaab ku xigeenka gobolka Xaysimo oo isna halkaas ka hadlay ayaa dadweynaha magaaladda Xalin uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee ay ku qaabileen,isaga oo ka warbixiyey safarka weftigan iyo ujeedkiisa oo uu ku sheegay mid ay ugu kuur gelayaan xaaladda magaaladda Xalin iyo degaamada ku xeeran.

Badhasaabka gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in weftigan uu hogaaminayaa ay go’aansadeen in safarkan ay ku tagaan degmada Xalin oo hodan ku ah beeraha iyo wax soo saarka, waxaanu intaas ku daray in xubnaha cusub ee golaha degaanka degmada Taleex ay diyaar u yihiin in ay dadkooda u adeegaan.

Maayirka degmada Taleex oo halkaas dadweynihii soo dhoweeyey kala hadlay ayaa balan qaaday in ay wax qabad muuqda ka qaban doonaan magaaladaas.

Leave a Reply