Xirfadda Iyo Farsamada Uu Tuugga U Adeegsaday!

0
456

Gancsade  maalqabeen ah oo caqli badnaa oo magaalada Baqdaad deganaa ayaa shaqalihiisa midkood uu noqday tuug. Taajirka ayaa isugu yeedhay shaqaalaha maalin waxaana uu u sheegay in si tuuga loo cadeeyo uu mid kastaa oo shaqaalaha ka  mid ahi xadhig  uu siinayo isla markaana uu beri keeni doono.  Waxaana uu sheegay in qofka tuuga xadhigiisu beri uu ka dheeraan doono intii uu ahaan jiray hal taako.

Subixii markii la isu yimi dhamaan shaqaaluhu xadhigi  way  keeneen iyagoo caadi ah, laakiin ninkii tuuga ahaa xadhigiisa wuxu ka soo jaray hal taako isagoo doonaya in dheeraadka uu sheegay Taajirku ka maqnaado.    Markii ganacsaduhu qiyaasay xadhkihii wuxu yidhi “ xadhiga  tuugu wuu gaabanayaa”.  Tuugu weligii si fudud ayaa loo qabtaa.

Leave a Reply