Golaha Guurtida oo ka Dooday Shilalka Gaadiidka

0
348

Hargeysa-(Dawan)-Golaha Guurtida Somaliland oo dood ka yeeshay shilalka gaadiidka iyo wadista baabuurta ee ku soo badanaya dalka.

Mudanayaasha Golaha Guurtida oo ku guddo jira Kalfadhiga 75aad ayaa waxa ay maanta ka doodeen saxmada gaadiidka ee magaalooyinka ee u baahan in la nidaamiyo, waxaana Xildhibaanada ku doodeen in loo baahan yahay in baadhitaan aad u badan lagu sameeyay shilalka gaadiidka ee dalka ka dhaca.

Sidoo kale mudanayaasha doodan ka qayb galay waxa ay soo jeediyeen In laysku saleeyo baahida loo qabo gaadiidka, islamarkaana la xadido gaadiidka dalka soo galaya.

Leave a Reply