Ilaalinta Deegaanku waa Aasaaska hab Dhaqan-dhaqaaleedka Aadamaha

0
498

Qore: Maxamed Siciid Muxumed

Hargeysa (Dawan) Macnaha Ereyga Deegaan marka Culimada Bayoolajigu macnaynayaan waxay ku fasireen  waa goob suurtogal ka dhigaysa inay nololi ka jirto, sida Dhul, Hawo, Biyo, Noole iyo ma Nooleba oo isku dheelitiran.

Ilaalinta iyo dhawrida deegaanku, waa waajib saran dhammaan aadamaha oo dhan, si ay ugu noolaadaan deegaan fayow.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee keeni kara xaalufka, Dikhowga Hawada iyo Biyaha, waxa ugu horreeya isku dheelitir  la’aanta labada hawo ee dabiiciga ah ee Ilaahay innagu manaystay ee Ogsajiinta iyo Kaarboon Haydaraytka.

Labada hawo oo Eebe isku miisaamay, waxay u shaqeeyaan si  tallan-taali ah, iyadoo dhirtu ay sii daayaan Ogsajiin isla markaana hawadda ay ka qaataan Kaarboon lama Ogsaydh.

Haddaba, marka deegaanka laga waayo dhir ee la jaro ama la shido, waxa Meesha ka baxaysa hawadii Ogsajiinta ee nooluhu neefsanayey ee ay dhirtu soo saaraysay.  Sidaas awgeed, dhirtu muhiim bay u tahay  Noolaha ka sakow manaafacaadkeeda kale  ee aynu ka helno dhirta.

Sidaas darteed, haddii Kaarboon Laba Ogsaydhku ku bato Hawadda wuxuu keena:

Dhirta oo la jaro

Gaadiidka Dhulka, Hawadda iyo qiiqa Wershadaha laydhka iyo kuwa kale ee wax-soo-saarka oo Isticmaala shiidaalka Organikada ah, sida Gaasta, Baatrool iyo Naaftada.

Sidaas awgeed, ayuu maanta Adduunku u taxo-xaytay sidii loo yareyn lahaa Tamarta Shiidaalka, loona beddelo tamarta nadiifta ah ee laga soo saaro Qoraxda iyo Dabaysha.

Tamarta laga helo Qoraxda iyo Dabayshu waa ta ugu nadiifsan  ee Aadamuhu adeegsan karo.

Haddaba, Marka aynu dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland u soo noqono, waxa dalku si khaldan u gumaadeen  dhirtii dalka oo dadka qaarkii ay ka dhigteen shaqo ay lacag ka soo saaraan, taasi oo khatar joogto ah ku haysa badqabka deegaanka dabiiciga ah. Iyadoo marka hore aynu la daalaa-dhacayno Wershadaha Laydhka ee tirada badan ee  ku shaqeeya Shiidaalka Naaftada.

Waxa kaloo jira Wershado badan oo soo-saara biyaha caagadaha ah iyo Sharaabka oo iyaguna deegaanka ku soo kordhiya maalin walba kumanaan caagadood oo tiyaarta baabuurtu uu ku ballaadhiyo dhulka iyo Waddooyinka magaalooyinka waaweyn ee Somaliland,bacaha iyo caagadahaas oo isbiirsadayna markay dhulka hoos u  galaan waxay kaalin ku yeeshaan wasakhowga biyaha. Waxana qulqulka daadku raaciyaa dooxyada oo ay xoolaha iyo dadkuba qaarkood ka cabaan.

Waxa Wershadaha Biyaha iyo Sharaabka la gudboon inay keenaan xal ku wajahan dib u ururinta cagaadaha ama qorshe kale oo ay dib ugu isticmaalaan caagadihii hore ee ay soo saareen, taasi oo wax tar weyn u ah dadka iyo dalkaba.

Ugu dambeyn, waa in shacbiga iyo shirkadaha waaweyni ay  ku gacan siiyaan Wasaaradda Horumarinta deegaanka, dedaalka ay ugu jirto ee ay kula dagaalamayso dhuxulaysiga iyo gumaadka dhirta, iyadoo Wasaaraddu ay tallaabooyin adag ka qaado cid kasta oo si sharci darro ah u waxyeelanaysa deegaanka dabiiciga ah iyo duurjoogta Alle innagu manaystay.

Leave a Reply