Komishanka Xuquuqal Iinsaanka oo Kormeeray Jeelka magaalada Laaascaanood

0
487

Laascaanood (Dawan) – Xubno ka mida komishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland, ayaa kormeer ay ugu guur galayaan xaaladda xabsiga magaalada Laascaanood ku soo maray xabsigaas.

Guddoomiyaha komishanka xuquuqal iinsaanka ee gobolka Sool ayaaXasan Diiraye Xasan sheegay in masuuliyiintaas ka tirsan komishanka xuquuqal iinsaanka Somaliland ee socdaalka ku yimi gobolka Sool ay warbixin ka siiyeen xaaladda xuquuqal iinkaasna ee gobolkaas, waxaanu masuuliyiintaas uga mahadceliyay socdaalkan ay ugu xog-ogaal ugu noqonayaan xaaladda xuqaadaha aadamaha ee gobolkaas iyo kormeerada ay ku mareen jeelka magaalada Laascaanood.

Guddoomiyaha komishanka xuquuqal iinsaanka ee gobolka Sool ayaaXasan Diiraye Xasan isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Waxaa kormeer shaqo noogu yimid xubno ka socda koomishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka oo uu hoggaaminayo koomishaneer Cumar, waxaanu si toosa uguda galay shaqooyinkii saddex bilood laha ahaa ee koomishanka xuquuqal iinsaanka, waxaa aanu booqanay dhammaan laamihii ay wada shaqeynta tooska ahi naga dhaxaysay hadda waxa aanu ku suganahay xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool”

Taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood ayaa sheegay in xubnahaas ay warbixin ka xiiyeen xaaladda guud ee xasbiga magaalada Laascaanood Gaashaanle Maxamed Cabdilaahi Hawre ayaa sheegay in xaaladda xabsiga iyo maxaabiista ku xidhani fiican tahay, waxaanuu intaas raaciyay in masuuliyiintaas ka socota komishanka xuquuqal iinsaanka Somaliland ay siyeen wixii warbixin ah ee ay uga baahnaayeen xasbisgaas. “Saaka waxa kormeer shaqo noogu yimid koomishanka xuquuqal iinsaanka Qaraka, waxaanu joogna xabsiga dhexe ee gobolka Sool waxaa aanu ka warbixinay xaalada guud ee xabsiga,

Waxaanay si itus oo I taabsi ah  u arkeen xaalada guud ee ka jirtay xabsiga, dhab ahaantiina si wanaagsan ayay noogu dhacday, waxaanu uga mahad celinayna sida mar walba ay heeganka ugu yihiin xog ogaal u noqoshada xaalada xabsiyada dalka,

Ugu dambayn Cumar Goodaad oo ka mida xubnaha komishanka xuquuqal iinsaanka ee Somaliland ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta xabsiga way nee magaalada Laascaanood, waxaanuu xusay in nadaafadda xabsigaasi tahay mida wanaagsan, isla markaana arrimhii ay ku soo arkeen xabsisgaas komishanku ay warbixin ka soo saari doonaan, waxaanuu wasiir Maxamed Kaahin tilmaamay in haweenkii is sharaxay intii aan soo bixini ay meel fiiican soo gaadheen. “Waxaa aanu booqanay saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood annaga oo in muddo ah joogi doona magaalada Laascaanood,  una kuurgeli doona xaalada guud ee maxaabiista, eek u kala xidhan xabsiyada iyo saldhigyada dhab ahaantii waxaan aad u boggaadinaya taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood oo si wanaagsan noo soo dhaweeyay isla markaana shaqadii aanu ugu nimid si waafiya oo hagar la’aan ah noogu fidiyay, waxaanu kala kulanay xaalad aad u wanaagsan guud ahaan xabsiga, nadaafadiisa guud iyo waxaasi oo dhammi aad ayay u wanaagsan tahay, maxaabiis kala duwan ayaa ku xidhan, warbixin ayaanu ka soo saari doona xaalada guud ee xabsiga magaalada Laascaanood.

Aad ayaanu ugu farax sanahay in aanu maanta Laascaanood ka shaqeyno isla markaana soo booqano maxaabiis kala duwan, oo laga soo kala xidhay guud ahaanba gobolka Sool waxa socodkayaga nagu wehelinayay la taliyaha xafiiska xuquuqal iinsaanka Qaraanka Somaliland”

Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Oo Kormeeray Jeelka Magaalada Laaascaanood

Leave a Reply